The Holy Quran, Sura Al-Baqara - البقرة

Ayahsort icon
111
وَقَالُواْ لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلاَّ مَن كَانَ هُوداً أَوْ نَصَارَى تِلْكَ أَمَانِيُّهُمْ قُلْ هَاتُواْ بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ
waxay dhaheen ma galo Jannado ruuxaan Yuhuud ahayn ama Nasaaro, taasina waa yididiilo (been ah) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegeysaan.
112
بَلَى مَنْ أَسْلَمَ وَجْهَهُ لِلّهِ وَهُوَ مُحْسِنٌ فَلَهُ أَجْرُهُ عِندَ رَبِّهِ وَلاَ خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلاَ هُمْ يَحْزَنُونَ
Ruuxiise u hogaamiya Wajigiisa Eebe isagoo soma fala ah, wuxuu ku Ieeyahay Ajrigiisa Eebe agtiisa, mana cabsadaan mana walbahaaraan.
113
وَقَالَتِ الْيَهُودُ لَيْسَتِ النَّصَارَى عَلَىَ شَيْءٍ وَقَالَتِ النَّصَارَى لَيْسَتِ الْيَهُودُ عَلَى شَيْءٍ وَهُمْ يَتْلُونَ الْكِتَابَ كَذَلِكَ قَالَ الَّذِينَ لاَ يَعْلَمُونَ مِثْلَ قَوْلِهِمْ فَاللّهُ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخْتَلِفُونَ
Yuhuud waxay tidhi Nasaaro waxba ma aha, Nasaarana waxay tidhi Yuhuudu wax ma aha, iyagoo akhrin Kitaabka (Tawreed iyo lnjiilba) saasay dhahaan kuwaan wax ogaynna «Gaaladii Carbeed», hadalkoodoo kale, Eebana wuu kala xukumin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku diidanaayeen.
114
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن مَّنَعَ مَسَاجِدَ اللّهِ أَن يُذْكَرَ فِيهَا اسْمُهُ وَسَعَى فِي خَرَابِهَا أُوْلَـئِكَ مَا كَانَ لَهُمْ أَن يَدْخُلُوهَا إِلاَّ خَآئِفِينَ لهُمْ فِي الدُّنْيَا خِزْيٌ وَلَهُمْ فِي الآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ
l cidna kama dulmi badna ruux reebay (diiday) in masaajidda Eebe dhexdiisa lagu xuso Magaeiisa, una eamal fala say u kharaahi Iahayd (Masaa-Jiddu) kuwaas (Gaalada ah) Xaq uma leh inay galaan Masaajidda iyagoo eabsan mooyee, Adduunka waxay ku mudan dulli Aakhirana Cadaab Wayn.
115
وَلِلّهِ الْمَشْرِقُ وَالْمَغْرِبُ فَأَيْنَمَا تُوَلُّواْ فَثَمَّ وَجْهُ اللّهِ إِنَّ اللّهَ وَاسِعٌ عَلِيمٌ
Qorax ka soo box iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, meel kastood u jeedsataanna waa Jaho Eebe (markaad Qiblada garanweydaan) Eebana waa waasac (Naxariistiisu) wax walbana og.
116
وَقَالُواْ اتَّخَذَ اللّهُ وَلَداً سُبْحَانَهُ بَل لَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ كُلٌّ لَّهُ قَانِتُونَ
waxay dhaheen Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma aha ee waxaa u sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u hogaansamaan.
117
بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَإِذَا قَضَى أَمْراً فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُن فَيَكُونُ
isagaa abuuray Samooyinka iyo Dhulka, markuu doono arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.
118
وَقَالَ الَّذِينَ لاَ يَعْلَمُونَ لَوْلاَ يُكَلِّمُنَا اللّهُ أَوْ تَأْتِينَا آيَةٌ كَذَلِكَ قَالَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِم مِّثْلَ قَوْلِهِمْ تَشَابَهَتْ قُلُوبُهُمْ قَدْ بَيَّنَّا الآيَاتِ لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ
1I waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn (Gaaladii) muxuu Eebe nooola hadli waayey ama noogu imaan wayday aayad, saaso kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is Shabbahday (isu ekaatay) qulubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin.
119
إِنَّا أَرْسَلْنَاكَ بِالْحَقِّ بَشِيراً وَنَذِيراً وَلاَ تُسْأَلُ عَنْ أَصْحَابِ الْجَحِيمِ
anagaa ku dirray Nabiyow adoo xaq wata oo Bishaarayn Digana, lagu warsanna maayo ehelka (Naarta) Jaxiimo.
120
وَلَن تَرْضَى عَنكَ الْيَهُودُ وَلاَ النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ قُلْ إِنَّ هُدَى اللّهِ هُوَ الْهُدَى وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءهُم بَعْدَ الَّذِي جَاءكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللّهِ مِن وَلِيٍّ وَلاَ نَصِيرٍ
Kaama raalli noqdaan Yuhuud iyo Nasaara intaad ka raaedo Diintooda, waxaad dhahdaa hanuunka Eebaa hanuun ah, haddaad raaedo hawadooda intuu kuu yimid cilmi ka dib, kama heshid xagga Eebe sokeeye iyo Gargaare (midna).

Ka raadi google

Custom Search