The Holy Quran, Sura Al-Mumenoon - المؤمنون
| Ayah |
|---|
81 بَلْ قَالُوا مِثْلَ مَا قَالَ
الْأَوَّلُونَ Waxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii). |
82 قَالُوا أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَاباً وَعِظَاماً أَئِنَّا
لَمَبْعُوثُونَ Waxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin. |
83 لَقَدْ وُعِدْنَا نَحْنُ وَآبَاؤُنَا هَذَا مِن قَبْلُ إِنْ هَذَا
إِلَّا أَسَاطِيرُ الْأَوَّلِينَ Waa Naloo Yaboohay Aabayaalkanno kan (Soo Bixinta) horay mana aha kani waxaaan warkii hore ahayn. |
84 قُل لِّمَنِ الْأَرْضُ وَمَن فِيهَا إِن
كُنتُمْ تَعْلَمُونَ Waxaad Dhahdaa yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin. |
85 سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
Waxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn. |
86 قُلْ مَن رَّبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ
Dheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha Carshiga Wayn. |
87 سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ أَفَلَا تَتَّقُونَ Waxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan Dhawrsanayn. |
88 قُلْ مَن بِيَدِهِ
مَلَكُوتُ كُلِّ شَيْءٍ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيْهِ إِن
كُنتُمْ تَعْلَمُونَ Dheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax Ogtihiin. |
89 سَيَقُولُونَ لِلَّهِ قُلْ فَأَنَّى تُسْحَرُونَ Waxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee Laydiin Sixri. |
90 بَلْ أَتَيْنَاهُم بِالْحَقِّ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ Waxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal. |
Ka raadi google
Custom Search
