The Holy Quran, Sura Al-Anbiya - الأنبياء
| Ayah |
|---|
72 وَوَهَبْنَا
لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ نَافِلَةً وَكُلّاً جَعَلْنَا صَالِحِينَ Waxaan Siinay Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban. |
71 وَنَجَّيْنَاهُ
وَلُوطاً إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا لِلْعَالَمِينَ Waannu u Korinay (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam). |
70
وَأَرَادُوا بِهِ كَيْداً فَجَعَلْنَاهُمُ الْأَخْسَرِينَ Waxay la Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray. |
69 قُلْنَا يَا نَارُ كُونِي بَرْداً وَسَلَاماً عَلَى إِبْرَاهِيمَ Waxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo Nabadgalyi Ibraahim. |
68 قَالُوا حَرِّقُوهُ وَانصُرُوا آلِهَتَكُمْ إِن كُنتُمْ
فَاعِلِينَ Waxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad wax Falaysaan. |
67 أُفٍّ لَّكُمْ وَلِمَا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ أَفَلَا
تَعْقِلُونَ Ufbaa laydin Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn. |
66 قَالَ
أَفَتَعْبُدُونَ مِن دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكُمْ شَيْئاً وَلَا
يَضُرُّكُمْ Wuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn. |
65 ثُمَّ نُكِسُوا عَلَى
رُؤُوسِهِمْ لَقَدْ عَلِمْتَ مَا هَؤُلَاء يَنطِقُونَ Markaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn. |
64 فَرَجَعُوا إِلَى
أَنفُسِهِمْ فَقَالُوا إِنَّكُمْ أَنتُمُ الظَّالِمُونَ Markaasay u Noqdeen Naftooda waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina. |
63 قَالَ بَلْ فَعَلَهُ كَبِيرُهُمْ
هَذَا فَاسْأَلُوهُمْ إِن كَانُوا يَنطِقُونَ Wuxuu Yidhi waxaa Fatay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya Iladday Hadli. |
Ka raadi google
Custom Search
