The Holy Quran, Sura Al-Fatiha - الفاتحة
| Ayah |
|---|
1 بِسْمِ اللهِ الرَّحْمنِ الرَّحِيمِ Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista. |
2
الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka). |
3
الرَّحْمـنِ الرَّحِيمِ Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista. |
4 مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ Ee hanta maalinta abaalmarinta (Qiyaamada). |
5
إِيَّاكَ نَعْبُدُ وإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa (Eebow). |
6 اهدِنَــــا
الصِّرَاطَ المُستَقِيمَ ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa). |
7 صِرَاطَ الَّذِينَ أَنعَمتَ
عَلَيهِمْ غَيرِ المَغضُوبِ عَلَيهِمْ
وَلاَ الضَّالِّينَ Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna. |
Ka raadi google
Custom Search
