Tacsi tiiraanyo leh oo loo dirayo dhamaan eheladii ay ka geeriyooday (aun) Marxuumad Hooyo FALXADO LIIBAAN
Dhamaan dadkan ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Cabdixakiin Daahir Dheere iyo guud ahaan Reer Daahir Dheere oo hooyadooda Rabbi Naxariistee Janno haka waraabiyee FALXADO LIIBAAN ay ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya taariikhdu markii aheyd 14/12/2008.
- Dhamaan Qoyska Reer Maxamad Cilimi meel kastoo ay joogaan
- Dhamaan Qoyska Reer Abuukar Direed meel kastoo ay joogaan
- Dhamaan Qoyska Reer Aadan Iidle Jilacoow meel kastoo ay joogaan
Waxay mar labaad Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan Caruurtii, Eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay Marxuumad Hooyo FALXADO LIIBAAN gaar ahaan Cabdixakiin Daahir Dheere, waxayna leeyihiin Ilaaheey samir iyo iimaan ha idinka siiyo iyada Naxariistiisi Janno ha ka waraabiyo, aamiin aamiin aamiin.
Anaguna haddii nahay Bahda Warsidaha www.halganka.net waxaan tacsi taa la mid ah u diraynaa Cabdixakiin Daahir Dheere oo Hooyadiis FALXADO LIIBAAN ay ku geeriyootay Magaalada Nayroobi.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEEYHI RAAJICUUN!!!!!!!!!





































