ISBAHAYSIGA
DIB U XOREYNTA JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
Halkaan ka aqriso Xeerka Isbaheysiga Dib u xoreynta
Soomaaliya
Horudhac
Soomaaliya 20kii sano ee la soo dhaafay
waxay ku jirtay colaad iyo dagaallo sokeeye oo aafeeyey
ummadda, saameeyeyna nolosha bulshadda. Dadkii waxaa
loo diiday nabadgelyo iyo nolol, waxaana laga hor
istaagay in ay aayahooda ka tashadaan.
Wadankii wuxuu u kala googo’ay
maamul goboleedyo iyo qaybo gacanta u galay hogaamiye
kooxeedyo naxariis laawayaal ah. Inkastoo dalku dowlad
la’aan ahaa, misna marna halis ma gelin qaranimadii
iyo madaxbanaanidii ummadda Soomaaliyeed.
Duulaanka qaawan ee dowlada Itoobiya
ay ku qabsatay Soomaaliya wuxuu khilaaf sanyahay dhammaan
sharciyada caalamiga ah wuxuuna xadgudub ku yahay
go’aanadii Golaha Amaanka.
Duulaankani oo ku xadgudbay madaxbanaanidii
iyo qaranimadii Ummadda Soomaaliyeed waxaa dalka kusoo
hogaamiyey hogaamiyey kooxeedyo ay dowladda Itoobiya
u yagleeshay wadanka kuna sheegtay in ay dowlad Soomaaliyeed
tahay.
Duulaanka dawladda Itoobiya wuxuu gaystay,
dil, dhac, barakac, boob iyo xadgudubyo ka dhan ah
xuquuqda bani’aadamka. Shacabka Soomaaliyeed
meelkastoo ay joogaan waxey arrinkan ka bixiyeen jawaab,
waxayna ka mideysan yihiin in la sameeyo xoog heer
qaran ah iyadoo xooggaga kala duwan ee bulshadda ay
isku raaceen in ay mideeyaan maalka, maskaxda iyo
muruqa Ummadda Soomaaliyeed si cadowga dalka looga
xoreeyo, islamarkaana, Beesha Caalamka laga dhaadhiciyo
qadiyada Ummadda Soomaliyeed ee dulman.
Waxaa la aasaasay isbahaysiga lamagac
baxay Isbahaysi dib u Xoraynta Soomaaliya taariikhdu
markay ahayd 13/09/2007
1 Qeybta 1 Mabaadii’da iyo Ujeedooyinka
Isbaheysiga QODOBKA 1 Magaca iyo qeexidda Isbaheysiga
1. Magaca Isbaheysigu waa Isbahaysiga
Dib u Xoraynta Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
2. Isbaheysiga Dib u Xoreynta Jamhuuriyadda
Soomaaliyeed waxaa isku baheystey oo uu ka koobanyahay:
a) Barlamaanka Xorta Ah,
b) Golaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga
Soomaliyeed,
c) Qurbajoogta Soomaaliyed,
d) Bulshada Rayidka ah
e) iyo xubno Soomaalida dhexdeeda magac
ku leh kuwaasoo isku raacay in ay isu geeyaan awooddooda
maskaxeed, dhaqaale, ciidan, siyaasadeed iyo waxkasta
oo karaankooda ah si ay marka hore dalka uga xoreeyaan
cadowga Itoobiya oo kaashanayay quwado shisheeye ee
sida sharci darada ah ku qabsaday dalka, kadibna ugu
sammeeyaan dowlad caadil ah oo u adeegta dadka,diinta
iyo dalka Soomaaliyeed.
3. Isbahaysigu wuxuu sii haynayaa xilka
dalka marka uu xoreeyo muddo 3 sanno ah uu ku qaban-qaabinaayo
doorashooyin xor ah oo madax banaan. QODOBKA 2 Shicaarka
ama Astaanta Isbaheysiga.
Maro buluug ah oo dhexda ku leh xiddig
cad iyo laba waran oo is dhaafsan oo salkooda kitaab
kala furan saran yahay. Waxaana ku wareegsan labo
laamood oo qumba ah oo salkoodu is dhaafsan yahay
baarkooduna isku soo dhaw yahay.
QODOBKA 3 Xarunta Isbaheysiga
Xarunta Isbaheysigu waa Muqdisho Caasimadda
Soomaaliya, wuxuuna laamo ka furanayaa gobollada dalka
iyo dibadiisa.
QODOBKA 4 Luqada Isbaheysiga
Luqadda rasmiga ah ee isbaheysigu waa
af-Soomaali iyo Carabi, iyadoo afafka kalena loo adeegsan
doono hadba baahida loo qabo.
2 QODOBKA 5 Aragtida Isbaheysiga
Dib u dhiska Mujtamac Soomaaliyeed oo
ka madaxbannaan qabyaaladda, lehna wacyi iyo garaad
qarameed oo ku filan, garanaya waajibaadkiisa iyo
xuquuqdiisa, kuna noolaada gobanimo buuxda, nabadgelyo,
cadaalad iyo sinnaan.
QODOBKA 6 Ujeedooyinka Isbaheysiga
Dib u xoreynta dalka iyo dib u heshiisiin
dhab ah oo u danaynaysa shacbiga soomaaliyeed, in
la sugo nabadgelyada muwaadinka Soomaaliyeed, baaritaana
lagu sameeyo danbiyadii laga galay ummadda, in sidoo
kale wax loo qabto dadkii lagu barakiciyey duulaankii
cadowga, isla markaasna loo dhiso dowlad u soo celisa
shacabka Soomaaliyeed gobanimadiisa la lumiyey, taasoo
dhowri doonto caqiidadiisa islaamiga ah, taariikhdiisa
soo jireenka ah, dhaqankiisa suubban iyo hantida guud
iyo tan gaarka ahba.
QODOBKA 7 Sida Isbaheysigu ku Gaarayo
Ujeeddooyinkiisa
Fulinta iyo meel-marinta ujeedooyinka
Isbahaysiga waxaa loo marayaa arrimaha hoos ku qoran:
1. Xoojinta muqaawamada iyo la dagalaanka
cadowga si looga xoreeyo dalka.
2. Mideynta maskaxda, muruqa iyo maalka
shacabaka Soomaaliyeed si meel looga soo wada jeesto
cadowga dalka Soomaaliyeed xoogga ku haysta.
3. Wacyigelinta bulshadda, iyadoo laga
faa’iidaysanayo aqoonyahanka, culimada, suugaanleeyda,
iyo dadkeena khibradda cilmi iyo hogaaminba leh.
4. Soo bandhigidda dhibaatooyinka iyo
tacadiyada uu geysanayo gumeystaha iyo kuwa la shaqeeya.
5. Wadahadallo nabadeed oo dhab ah in
la galo si loo xalliyo dhibaatooyinka soo gaaray ummadda
Soomaaliyeed iyadoo loo maraayo dhabo sax ah.
6. Furida Xafiisyo iyo xarumo laga fidiyo
siyaasadda Isbaheysiga, isla markaana loogu sharaxo
qaddiyadda Shacabka soomaaliyeed ee dulman beesha
caalamka, saaxiibadda Soomaaliya iyo inta nabadda
jecel.
3 QODOBKA 8 Mabaadii’da Isbaheysiga
1. Ku dhaqanka shareecadda Islaamka.
2. In Midnimada, xoriyada iyo madaxbanaanida
siyaasadeed ee ummadda Soomaliyed ay tahay lama taabtaan.
3. In cadowga wadanka haysta laga saaro
iyadoo loo marayo wada kasta oo suura gal ah.
4. In xalka Soomaalidu uu ku jiro in
Soomaalida loo madax banneeyo arrimaheeda, lagana
fogeeyo faragelinta shisheeye.
5. In la ilaaliyo dhaqanka Islaamka
ee suuban ee Soomaalida.
6. Isbahaysigu wuxuu aaminsan yahay
mabda’ah deris wanaagga, is-xurmeynta iyo xiriir
wanaagsan oo lala yeesho dalalka deriska ah iyo caalamka
intiisa kale.
7. Isbahaysigu wuxuu kasoo horjeedaa
gumeysiga nooc kasta oo uu yahay, sidoo kale waxa
uu diidan yahay xasuuqa, barakicinta iyo baabi’inta
hantida shacabka Soomaaliyeed.
8. Isbahaysigu wuxuu aaminsanyahay hirgelinta
mabda’ sinaan, cadaalad iyo wadaninimo wada gaarta
shacabka Soomaaliyeed.
9. Xuriyaadka asaasiga ah waa xaq uu
muwaadin kasta leeyahay mar haddii uusan ka hor imaanaynin
shareecada islaamka.
10. Dib u dhiska dalka horumarintiisa,
& abuuridda fursado shaqo oo daboola baahida shacabka
uu u qabo arrimaha noocaan ah iyo u howlgelidda dowlad
wanaag iyo xukun caadil ah.
11. Daryeelka maatada dhibku ka soo
gaaray dagaaladii sokeeye iyo waxyeelada Cadowga dalka
iyo dadkaba ku soo duulay.
4 Qeybta 2: Xubinnimadda
QODOBKA 9 Shuruudaha Xubinnimada Isbaheysiga
1. Waa in uu yahay Soomaali qaan gaar
ah, una diyaar ah ka qayb qaadashada xaqiijinta ahdaafta
isbahaysiga.
2. Waa in uu yahay ruux leh hufnaan
kuna qanacsan mabaadi’da isbahaysiga iyo ujeedooyinkiisa
una hogaansama nidaamkiisa iyo xeerarkiisa.
3. Waa in uu yahay qof u diyaar ah in
uu naftiisa iyo maalkiisa u huro difaaca diintiisa,
dadkiisa iyo dalkiisa.
4. Waa in uu u soo gudbiyo codsi maamulka
Isbaheysiga goobta uu markaa degan yahay kuna soo
lifaaqo caddeyn ku saabsan taariikh nololeedkiisa,
islamarkaana ay soo gudbiyaan laba oo ka mid ah xubnaha
isbahaysiga helaanna ogolaashaha maamulka deegaankiisa.
5. Waa in uusan khatar galinayn diinta
iyo dalka isla markaasna bixiyaa lacagta xubinnimada.
QODOBKA 10 Waayidda Xubinnimada
1. Inuu ka maqnaado saddex kulan oo
is xigta cudurdaar la’aan qaybta uu ka tirsan
yahay.
2. Inuu iskiis isku casilo.
3. In ay sugnaato in uu la yimaado
xadgudub iyo dhaqan xumo aan ku banaanayn shareecada
islaamka ama aan la socon karin ahdaafta iyo mabaadii’da
isbahaysiga waxaana u furan maamulka in uu kala laabto
xubinnimada haddii ay isku raacaan kalabar lagu daray
hal ama 50 + 1(cod hal dheeri ah).
4. In uu bixin waayo qaaraanka xubinnimada
ururka.
5. Ka mid noqosho isbahaysi leh ujeedooyin
ka soo horjeeda kuwa isbahaysiga
5 Qeybta 3 Qaab dhismeedka Isbaheysiga
QODOBKA 11 Hay’adaha Isbaheysigu
Waxay ka Kooban Yihiin
1. Shirweyne
2. Golaha dhexe ee Isbahaysiga
3. Golaha Fullinta
QODOBKA 12 Shirweynaha iyo shaqadiisa
Shirweynuhu waa ergadda ka qeyb gasho
shirka la isugu yeero dhammaan xubnaha Isbaheysiga
ka kooban yahay sida midka hadda ka dhacay
Asmara, Eriterea, September 6-14, 2007,
wuxuuna qabanayaa:
1. Ansixinta barnaamijka siyaasadeed
iyo xeerka isbaheysiga.
2. Ansixinta xubnaha golaha dhexe ee
Isbaheysiga
3. Marka ay dhamaato mudada uu shaqaynayo
golaha dhexe oo ku siman 3 sano (13/09/2010), waxaa
la isugu yeerayaa shirweyne ama kal fadhi lagu dooranayo
Gole Dhexe.
QODOBKA 13 Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
1. Waa hay’adda ugu saraysa awood
ahaan oo leh qaadashadda go’aamada masiiriga
ah iyadoo maraysa qaabka loogu talagalay go’aan
qaadashada.
2. Wuxuu ka kooban yahay 191 xubnood
oo uu ansixiyey shirweynuhu.
3. Mudada golaha dhexe waa saddex sano
laga bilaabo maalinta ay yeeshaan kal fadhiga ugu
horeeya (14/09/2007).
QODOBKA 14 Xulashada Golaha Dhexe Isbaheysiga
1. Xubnaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
oo ay tiradoodu tahay 191 waxaa laga soo xulayaa ergada
shirka iyo dad ka baxsan ergadda intaba, kadib waxaa
lasoo hordhigayaa shirwaynaha isaga ayaana ansixinaya.
2. Hadii Shirwaynuhu wada diido dhammaan
xubnaha la soo xulay ama in kabadan 50% waxaa lagu
laabanayaa xulashadii mar kale.
3. Haddiise Murashaxiinta la diiday
ay ka yaryihiin 50% waxaa lagu laabanayaa intii la
diiday.
4. Murashaxiinta la diiday waa lagu
soo celin karaa mar labaad qaarkood ama dhammaantood
hadiise mar labaad la diido laguma soo celin karo
mar seddexaad oo waxaa lasoo xulayaa xubno cusub ilaa
iyo inta laga buuxinayo tiradda xubnaha Golaha Dhexe.
5. Xubnaha loo soo xulo Golaha Dhexe
ee isbahaysiga waxaa loo soo bandhigayaa toban toban
musharax, waxay u dhacaysaa doorashada hab gacan taag
ah iyadoo xubintii dood ka timaado si gaar ah loogu
codaynaayo, hadii xubintaasi aqlabiyad waydo dib ayaa
loo dhigayaa.
QODOBKA 15 Qaab dhismeedka Golaha Dhexe
ee Isbaheysiga
1- Golaha dhexe wuxuu yeelanayaa qaab
dhismeedkan hoos ku qoran.
• Gudoomiyaha Golaha Dhexe
• 2 Guddoomiye Xigeen Golaha Dhexe
• Xoghaye
• Iyo 11 Guddi Joogta ah iyadoo
la kordhin karo markii ay timaado baahi loo qabo iyadoo
laga ansixinaayo Golaha Dhexe ee Isbaheysiga.
Waxay kala yihiin gudiyadaasi sida hoos
ku qoran:-
b. Guddiga taakuleynta difaaca
t. Guddiga garsoorka iyo anshaxa
j. Guddiga warfaafinta iyo wacyigelinta
x. Guddiga arrimaha siyaasadda iyo xiriirka
caalamiga ah kh.
Guddiga maaliyada iyo dhaqaalaha
d. Guddiga Arrimaha Bulshada
r- Guddiga Qorshaynta iyo Tababarada
s- Guddiga Garsoorka iyo Arimaha Diinta
sh - Guddiga Caafimaadka iyo Arimaha
Samafalka
dh - Guddiga Xuquuqal Isnaanka Iyo Danbiyada
Dagaal
c- Guddiga Waxbarashada Sare, Cilmi
Baarista iyo Teknolojiyada
7 QODOBKA 16 Masuuliyadda & Waajibaadka
Golaha Dhexe ee sbaheysiga
1. Doorashadda gudoomiyaha Golaha Dhexe
2. Ansixenta Guddi hoosaadyada xeerka
ku xusan
3. Diyaarinta xeer hoosaad u gaar ah
4. Ansixinta miisaaniyad sanadeedka
uu Golaha Fulinta soo gudbiyo, iyadoo qarash kasta
oo ka baxsan miisaaniyadii horay loo ansixiyey Golaha
la horkeenayo inta aanan la bixin, sidoo kale wuxuu
ansinayaa xisaab xerka sannadka
5. Ansixinta xeer hoosaadyadda iyo
qorshe howleedka gudiyada Golaha Dhexe.
6. Dabagalka iyo la xisaabtanka Guddiga
fulinta, isagoo Guddiga Fulinta ugu yeeri karo kulamadiisa
si ay uga jawaabaan ama cadayn uga bixiyaan su’aalo
xilalkooda khuseeyo.
7. Ansixinta heshiisyada caalamiga ah
ee uu soo galo golaha fulinta.
QODOBKA 17 Fadhiyada Golaha Dhexe ee
Isbaheysiga iyo Go’aan Qaadashadda
1. Golaha wuxuu kulmayaa sannadkiiba
labo jeer haddii aysan jirin sababo keenaya in wax
kabadan la qabto.
2. Kalfadhiga aan caadiga ahayn waxaa
isugu yeeri karo:
a) Gudoomiyaha Golaha Dhexe
b) Guddoomiyaha Golaha Isbahaysiga
ahna Guddoomiyaha Guddiga Fullinta oo wayddisanaayo
in uu u kulmiyo Golaha Dhexe shirka aan caadiga ahayn
c) Iyo saddex meelood meel xubnaha Golaha
Dhexe ee Isbaheysiga (1/3 )
3. Kalfadhiga Golaha Dhexe waxa uu ku
guntami karaa
I. marka ay soo xaadiraan 2/3,
II. hadii aqlabiyadda la waayo, waxaa
lagu baaqayaa kulan kale kaasoo ku ansaxaya kala bar
lagu daray hal 95+1 xubnaha Golaha,
III. kalfadhiga kale waxaa loo mudeynayaa
ama loo qabanayaa muddo 15 casho.
4. Inta u dhaxeysa labada kal fadhi
Guddiga Joogtada iyo Guddiga Fullinta waxey sii wadayaan
howlaha xafiisyadooda.
5. Fadhiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
waxaa gudoominaya guddoomiyaha Golaha Dhexe.
6. Go’aanada masiiriga ah waxa
uu goluhu ku qaadanayaa marka ay isku raacaan saddex
meelood laba xubnaha golaha (2/3), halka go’aanada
aan masiiriga ahayn uu Golahu ku qaadanayo cod hal
dheeri ah, (go’aannada masiiriga ah waxaa lagu
faahfaahinayaa xeer hoosaadka isbahaysiga).
7. Xubin kasta oo golaha ka mid ah waxa
uu xaq u leeyahay hal cod, mar haddii uu codkiisa
bixiyana xaq uma laha inuu codkii uu bixiyey ka noqdo.
8. Golaha Dhexe wuxuu go’aan ka
gaarayaa go’aamada masiiriga ah ee Ummadda.
QODOBKA18 Doorashada Guddoomiyaha
Golaha Dhexe ee Isbaheysiga.
1. Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
waxaa soo dooranaya shirweynaha Isbaheysiga.
2. Fadhiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
waxaa si ku meel gaar ah u gudoominaya xubinta ugu
da’da wayn Golaha wuxuuna xilka haynayaa ilaa
laga doorto gudoomiye.
3. Waa in qofka la rashaxayo ugu yaraan
10 qof oo golaha dhexe ku jiraa ay soo rashaxaan.
Xilka ay u rashaxayaan ay ku caddeeyaan qoraal.
4. Gudiyada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
waxaa magacaabaya gudoomiyaha golaha dhexe isagoo
la tashanaya ku xigeenkiisa waxaana laga ansixinayaa
golaha dhexe ee Isbaheysiga iyadoo la raacayo cod
hal dheeri ah xubnaha fadhiya. 5. Guddi walba wuxuu
dhexdiisa iska dooranayaa kuxigeen iyo xoghaye.
QODOBKA 19 Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha
Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
1. Wuxuu gudoomiyaa fadhiayada Golaha
Dhexe ee Isbaheysiga
2. Wuxuu soo rashaxayaa guddoomiye ku
xigeenka Golaha Dhexe, kana ansixinayaa Golaha Dhexe
cod hal dheeri ah.
3. Wuxuu magacabaa gudoomiyeyaasha gudiyada
joogtada ah ee Golaha Dhexe markuu la tashado ku xigeenkiisa.
4. Wuxuu si toos ah u maamula dhammaan
howlaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
5. Guddoomiyaha waxaa xilkiisa si kumeel
gaar ah u sii hayn kara G/kuxigeenka.
QODOBKA 20 Xilka iyo Waajibaadka Ku
xigeenadda gudoomiyaha Golaha Dhexe.
1. Waa hogaamiyaha golaha dhexe ee
Isbahaysiga markuu gudoomiyuhu maqanyahay.
2. Hadii jagadiisu banaanaato gudoomiyaha,
waxaa howsha sii wadaya ku xigeenkiisa waxaana lagu
dooranayaa gudoomiye mudo 45 cisho gudaheed ah.
QODOBKA 21 Xilwaayidda Guddoomiyaha
Golaha Dhexe.
10 Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga wuxuu
xilkiisa ku weyn karaa sababaha soo socda:-
1. Geeri ama caafimaad xumo oo u diideysa
inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan
guddi daqaatiir la aqoonsanyahay.
2. Is casilid qoraal ah oo ay ansixiyeen
2/3 golaxa dhexe ee Isbaheysiga ah.
3. Maqnaasho cudurdaar la’aan
ah oo gaareysa muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
4. Xilgudasho la’aan joogto ah
oo ay ku caddeyaan 2/3 golaha dhexe ee isbaheysiga.
5. Khiyaano qaran iyo khilaaf axdiga
Isbaheysiga, taasoo ay ku cadeeyaan 2/3 oo Golaha
Dhexe.
QODOBKA 22 Xilwaayidda Guddoomiye ku
Xigeenadda Golaha Dhexe
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe
ee Isbaheysigu wuxuu xilkiisa ku waayi karaa sababah
soo socda:-
1. Geeri ama caafimaad xumo oo u diideysa
inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan
guddi takhaatiir la aqoonsan yahay.
2. Is casilid qoraal ah oo uu ansixiyey
guddomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga iyo 2/3 xubnaha
Golaha Dhexe Isbahaysiga.
3. Maqnaasho cudurdaar la’aan
ah oo gaareysa muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
4. Xil gudasho la’aan joogto ah
oo ay ku caddeeyaan guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
iyo 50+1 Xubnaha Golaha Fadhiya ee golaha dhexe ee
Isbaheysiga ah.
5. Khiyaano qaran iyo wixii khilaafsan
axdiga Isbaheysiga taasoo ay ku caddeeyaan guddoomiyaha
Golaha Dhexe ee Isbaheysiga iyo 2/3 Golaha Dhexe.
11 QODOBKA 23 Xilalka iyo Waajibaadka Guddi hoosaadyada
Golaha Dhexe ee Isbaheysiga
B - Gudiga taakulaynta iyo difaaca (Muqaawamada)
1. Ka shaqaynta qaabka ugu haboon oo
dalka looga saari karo cadowga ku soo duulay.
2. Diyaarinta daraasad ku aadan casriyaynta
tabaha cadowga lagula dagaalamo, iyadoo uu daraasaadkaas
u gudbinayo Golaha Dhexe ama cidda ay khusayso.
3. Soo gudbinta talo, la xiriirta baadigoobka
iyo helitaanka aaladaha ugu waxtarka badan ee cadowga
lagu halakayn (gumaadi) karo.
4. Soo gudbinta daraasad la xariira
sidii Muqaawamadda dalka oo idil loogu baahin lahaa.
5. Hubinta iyo dabagalka in daryeelkii
loo qoondeeyey uu gaaray dadkii ku tabaaloobay halganka.
6. In la sameeyo maxkamad milatery si
loo xakameeyo akhlaaqiyaadka ciidanka.
T- Gudiga Garsoorka iyo Anshaxa
1. Wax ka qabashada xadgudubyada iyo
gafafka ka dhex dhaca isbaheysiga dhexdiisa.
2. Wuxuu talo soojeedin ka sameeyaa
hadii loo baahdo xeer cusub ama wax ka badelidda xeerarkii
hore u jiray ee isbaheysiga.
3. Wuxuu eegayaa khilaafaadka soo kala
dhexgala hay’adaha kala duwan ee Isbaheysiga
iyo wixii kale ee looga mmarmi waayo.
J- Gudiga Warfaafinta iyo Wacyigelinta
1. Wuxuu talo kasoo jeedinayaa hawlaha
warfaafinta iyo wacyigelinta
2. Wuxuu dabagal ku sameynayaa hawlaha
waxqabad ee xafiiska warfaafinta iyo wacyigelinta.
3. Wuxuu habeeyaa tafaftiraana wararka
saxaafadeed ee Golaha Dhexe ee Isbaheysiga kasoo baxa.
X- Gudiga Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga
ah
12 1. Wuxuu u kuurgelayaa hawlaha xafiiska Siyaasada
iyo xiriirka caalamiga ah isagoo u gudbinaya talooyin
la xiriira waxqabadkiisa Golaha Dhexe.
2. Wuxuu jaangoynayaa istaraatiijiyada
dhaw iyo tan fog ee Isbaheysiga, isagoo talo iyo dhaliilba
u gudbinaya Golaha Dhexe.
3. Wuxuu talo kasoo jeedinayaa wax ka
bedelidda istiraatiijiyad iyo masuuliyadda Xafiiska
Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga.
Kh- Gudiga Arimaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha
1. Wuxuu dabagal ku sameynayaa dakhliga
iyo qarash bixinta xafiiska Maaliyadda ee Isbaheysiga.
2. Wuxuu talo kasoo jeedinayaa arrimaha
maaliyada ee isbaheysiga
3. Wuxuu gacan ka gaysanayaa jaangoynta
iyo soo ururinta qaaraan bileedka laga qaadayo xubnaha
isbaheysiga kamid ah iyo kuwa ka midnoqonaya.
4. Wuxuu la xisaabtamaa, dabagalna ku
samaynayaa maamulka maaliyada ee golaha fulinta.
D- Gudiga Arimaha Bulshada
1. Wuxuu ka shaqaynayaa islamarkaana
daba galayaa howlaha iyo waxqabadka ariimaha waxbarashada,
caafimaadka iyo ilaalinta bay’dda.
2. Wuxuu horumarinayaa arrimaha qoyska
iyo dhallaanka, daryeelka halgamayaasha ku naafooba
iskacaabinta iyo dib u xoreynta dalka, sidoo kale
wuxuu maareynayaa waxna ka qabanayaa agoonta halgamayaasha.
R- Guddiga Qorshaynta iyo Tababarada
S- Guddiga Garsoorka iyo Arimaha Diinta
SH - Guddiga Caafimaadka iyo Arimaha
Samafalka
DH - Guddiga Xuquuqal Isnaanka Iyo Danbiyada
Dagaal
C - Guddiga Waxbarashada Sare, Cilmi
Baarista iyo Teknolojiyada
QODOBKA 24 Doorashada Guddoomiyaha Isbaheysiga
ahna gudoomiyaha golaha fulinta.
1. Gudoomiyaha Isbaheysiga ahna gudoomiyaha
golaha fulinta waxaa soo dooranaya shirweynaha Isbaheysiga.
2. Golaha fulintu wuxuu ka kooban yahay:
A. Gudoomiye
B. Gudoomiye ku xigeen
C. Xoghaya-yaal xafiis iyo ku xigeenadooda
oo ka kooban 12 oo kala ah:
1. Xafiiska gaashaandhiga iyo difaaca
2. Xafiiska maaliyada iyo Dhaqaalaha
3. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Isbahaysiga
4. Xafiiska arimaha gudaha
5. Xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta
dadweynaha
6. Xafiiska arimaha bulshada
7. Xafiiska siyaasada iyo xiriirka Caalamiga
ah
8. Xafiiska qorshaynta iyo tababarada
9. Xafiiska garsoorka iyo arimaha diinta
10. Xafiiska caafimaadka iyo arimaha
samafalka
11. Xafiiska xuquuqal isnaanka iyo Danbiyada
Dagaalka
12. Xafiiska waxbarashada sare, cilmi
baarista iyo teknolojiyada
QODOBKA 25 Xilka iyo Waajibadka guddoomiyaha
isbaheysiga ahna gudoomiyaha golaha fulinta.
Gudoomiyaha golaha fulintu waa madaxa
isbahaysiga, waa xiriiriyaha golaha dhexe iyo hay’adaha
hoos yimaada golaha fulinta iyo laamaha isbahaysiga
ee heer qaran. Gudoomiyaha golaha fulintu wuxuu qabanayaa
howlaha soo socda:
1. Gudoomiyaha isbaheysigu wuxuu u matalayaa
isbahaysiga kulamada caalamiga ah iyo maxaafiisha
dowliga ah.
2. Wuxuu u kuurgalaa habsami u socodka
howlaha iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambaynta
golaha fulinta.
3. Diyaarinta istiraatijiyada waxqabad
iyo qorsheyaasha marxaladeed ee isbaheysiga, isagoo
ka ansixinaya Golaha Dhexe.
4. Diyaarinta warbixin bileed ku aadan
wax qabadka golaha fulinta isagoo u gudbinaya gudoomiyaha
Golaha Dhexe.
5. Diyaarinta miisaaaniyad sanadeedka
golaha fulinta iyo dabagalka qarashyada miisaaniyadaas.
6. Kormeerida iyo qiimaynta howlmaalmeedka
golaha fulinta
7. Wuxuu soo jeediyaa xulashada abaalmarinta,
dalacsiintooda, ganaaxa iyo wax ka qabadka howl wadeenada
xafiisyada fulinta haddii ay howshooda gudan waayaan.
8. Hubinta habsami u socodka howlaha
golaha fulinta iyo hay’adaha hoos yimaada.
9. Xiriirinta xafiisyada fulinta iyo
hay’adaha ka sareeya
QODOBKA 26 Xilka iyo waajibaadka guddoomiye
ku xigeenka ee golaha fulinta
1. Kaalinta iyo gacansiinta gudoomiyaha
golaha fulinta
2. Fulinta howlaha uu u wakiisho gudoomiyaha
golaha fulinta
3. Madaxa golaha fulinta marka uu gudoomiyuhu
maqan yahay
15 QODOBKA 27 Xilwaayista guddoomiyaha golaha fulinta
iyo ku xigeenkiisa
(A) xilwaayista gudoomiyaha guddiga
fulinta
1. Gudoomiyaha golaha Fulintu wuxuu
xilkiisa waayayaa hadii ay ku timaado Geeri ama caafimaad
xumo maskaxdiisa wax u dhimeysa oo u diideysa inuu
hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeyaan guddi
takhaatiir la aqoonsanyahay.
2. Is casilid qoraal ah oo ay ansixiyeen
50+1 golaha dhexe ee Isbaheysiga.
3. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah
oo gaaraya muddo bil iyo bar ah (45 maalmood).
4. Xilgudasho la’aan joogto ah
oo ay ku caddeyaan 2/3 golaha dhexe Isbaheysiga.
5. Khiyaano qaran ama khilaaf Axdiga
Isbaheysiga ah oo ay ku caddeeyaan 2/3 Golaha Dhexe.
(B) xilwaayista guddoomiye ku xigeenka
1. Gudoomiye ku xigeenku wuxuu xilka
ku waayaa haddii ay ku timaado geeri ama caafimaad
xumo maskaxdiisa wax u dhimaysa oo u diidaysa in uu
howshiisa sidii la rabay u guto oo ay cadeeyaan gudi
dhaqaatiir la aqoonsan allí.
2. Is-casilid qoraal ah oo ay ansixiyaan
gudoomiyaha iyo 50+1 xubnaha Golaha Dhexe ee fadhiya.
3. Maqnaansho cudurdaar la’aan
ah oo gaaraysa mudo hal bil ah
4. Xil gudasho la’aan joogto ah
oo ay ku cadeeyaan guddoomiyaha iyo 50+1 Xubnaha Golaha
fadhiyo ee Golaha Dhexe
5. Qiyaano qaran ama qilaaf axdiga isbahaysiga
oo ay ku cadeeyaan guddoomiyaha iyo 50+1 Xubnaha Golaha
fadhiyo ee Golaha Dhexe
6. Haddii Guddoomiyaha Golaha Fulintu
uu soo jeediyo xilka qaadisata Guddoomiye Xigeen ka
, isla markaasna xubnaha golaha dhexe ee isbaheysigu
ku aqbalaan cod hal dheeri ah 50+1 Xubnaha Golaha
fadhiyo.
16 QODOBKA 28 Waajibaadka Xoghayayaasha Xafiisyada
Fulinta iyo ku Xigeenadooda
B- Xoghayaha Gaashaandhiga iyo Muqaawamadda
1. Diyaarinta istiraatiijiyadda jaangoynta
miisaaniyadeed iyo barnaamijka lagu tayaynayo halganka
iyo muqaawamadda dalka ka socota.
2. Diyaarinta ciidamo tayaysan oo dalka
kasaara cadowga qabsaday iyo qalabaynta iyo tayaynta
ciidankaas.
3. Diyaarinta haykalkii iyo hogaankii
ciidan oo dhamaystiran, taasoo aqoon iyo khibrad ku
salaysan.
4. Dhaqan celin dhalinta anshax xumadu
ka soo gaartay dagaaladii sokeeye.
5. Aruurinta ciidamadii xooga dalka
soomaaliyeed iyo dib u hawlgelintooda.
T- Xoghayaha Siyaasadda iyo Arrimaha
dibedda
1. Ka shaqaynta xoojinta iyo wanaajinta
xiriirka isbaheysiga iyo dowladaha, ururada iyo hay’daha
goboleed iyo kuwa caalamiga ah.
2. Soo bandhigidda hindisayaal iyo qorshe
lagu hormarrinayo xiriir wanaagsan oo lala yeelanayo
caalamka intiisa kale.
3. Abuurista xiriir saaxiibtinimo oo
cusub iyo sii adkeynta kuwii horey u jiray.
4. Ka dhaadhacinta iyo ku qancinta caalamka
qadiyadda xaqa ah ee shacabka Soomaaliyeed ee u diriraya
hanashada xoriyadii ay xaqa u lahaayeen.
5. Soo bandhigidda qadiyada Soomaaliyeed
fagaarayaasha dowliga iyo kuwa hey’adaha caalamiga.
6. Xoojinta xiriirka jaaliyadaha Soomaaliyeed
ee debedda iyo diyaarinta qoraalo caalamka loogu sharxayo
qadiyadda Soomaaliyeed.
J- Xoghayaha Dhaqaalaha iyo Maaliyadda:
1. Dejinta qorshe maaliyadeedka Isbaheysiga.
2. Diyaarinta miisaaniyad sanadeedka
Isbaheysiga isagoo soo hordhigaya golaha fulinta,
ka dibna ka ansixinaayo Golaha Dhexe.
3. Dejinta qorshe dhaqaale loogu abuurayo
Isbaheysiga
4. Ururinta iyo kaydinta dhammaan dhaqaalaha isbaheysiga.
5. Furista xisaab (kontooyin) Isbaheysigu leeyahay
kuwaasoo laga furayo caalamka.
6. Dhaqaale raadinta Isbaheysiga Bulshada Soomaaliyeed
ee Gudaha iyo Dibada ku nool iyo Hay’adaha, dawladaha
iyo samafalayaasha taageersan qadiyadda Soomaaliyeed.
X. Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Isbahaysiga
1. Ilaalinta hantida guud ee Isbahaysiga
2. Hubinta kharashyada baxayo in ay waafaqsan yihiin
nidaamka Isbahaysiga
3. Tababarida kaadirka arrimaha maalliyadda
iyo Dhaqaalaha
Kh: Xoghayaha Arrimaha Gudaha
1. Diyaarinta Siyaasadda Arrimaha gudaha
ee Isbaheysiga
2. Abuurista xarumo iyo laamo maamul
uu Isbaheysigu yeesho.
3. U howlgalka sidii taageerayaal cusub
oo xambaarsan siyaasada isbahaysiga loo heli lahaa.
4. Diyaarinta qorshayaal iyo barnaamij
lagu sugayo amniga gudaha u samaynta maamul deegaanadda
ay Muqaawamadu xorayso.
5. Diyaarinta barnaamijya lagu hor -
marinaayo gobolada.
6. Diyaarinta barnaamij la isugu soo
dhawynayo xiriirka ka dhexeeya maamulada ka jira gobolada
dalka.
D- Xoghayaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta
1. Abaabulka siminaaro kor loogu qaado
wacyiga bulshada ee dhanka diineed, siyaasadeed iyo
nabada oo ay bixiyaan xubnaha isbahaysiga oo heerar
kala duwan leh.
2. Diyaarinta dood cilmiyeed, aqoon
iswaydaarsi, barnaamij suugaaneed oo ku baraarujiya
shacabka Soomaaliyeed marxaladda khatarta ah uu dalka
soomaaliyeed maraayo.
3. Diyaarinta barnaamij dacwadeed oo
tayadiisu ay aad u sarayso si wax la taaban karo loo
qabto baahida dhinacyada kala duwan ay ka qabaan shacabka
soomaaliyeed.
4. Horumarinta aaladaha warfaafinta
iyo u howlgelida helitaanka kuwii hore.
5. Diyaarinta kaadir dhamaystiran oo
wax ka qabta howshaa iyadaa ah.
6. Ka dhaadhacsiinta siyaasada isbaheysiga
dhammaan bulshada soomaaliyeed iydoo loo marayo warbaahinta
qaybaheeda kala duwan.
7. Abuuris TV, Idaacado warbaahineed
iyo Web-saydyo uu leeyahay isbaheysigu.
R- Xoghayaha Arimaha Bulshada:
1. Diyaarinta barnaamijyo lagu daryeelayo
bulshada tabaalaysan.
2. Abaabulka barnaamijyo lagu suulinayo
cuqdadaha bulshadda kala dhexyaal.
3. Abaabulka habab ay uga qayb qaadan
karaan shacabka halganka iyo iskacaabinta.
4. La dagalaanka qabyaaladda iyo cuduradda
bulshadda aafeeyey sida isxaqiraadda, sadbursiga,
cadaalad daridda iwm.
5. Isku xirka bulshada qaybaheeda kala
duwan si loo xoogeeyo waxqabadkooda ku aadan xorrnimo
doonka.
6. Diyaarinta barnaamijyo lagu horu
marinaayo lagunna dhiiragelinayo dhalinyaradda iyo
haweenka.
7. Daryeelka xaquuqda dadka naafada
ah, iyo kuwa hadda ku naafoobay gumaadka cadowga iyo
wax ka qabadka baahidooda.
S- Garsoorka iyo Arrimaha Diinta
1. Diyaarinta qaabdhismeedka Garsoor,
shuruucda iyo qawaaniinta ku dhisan mabaadi’da
Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaliyeed.
2. Tababaridda garsoorayaal aqoon durugsan
u leh garsoorka shareecada islaamka iyo xeerarka caalamiga
ah iyo abaabulista golayaal culimo oo bixiya fatwooyin
diini ah oo ku aadan hadba talaabada ay tahay in la’qaado.
3. Diyaarinta cilmibaaris la xariirta Islaamka iyo
nolasha iyo ka gungaarsita arrimahii muran soo galo.
4. Diyaarinta dastuur Islaami ah oo
dhamaystiran noqdana mid dalka lagu dhaqo.
SH- Qorsheynta iyo Tabaradda
1. Dajinta qorshayaasha isbahaysiga
ee dhaw ama dheer iyo gacansiinta xafiisyadda kale
dejinta qorhayaashoodda iyo waafajintooda qorshaha
guud ee isbaheysiga.
2. Tababarida iyo soosaarida kaadir
ka howl gala dhammaan waaxaha kala gadisan ee aan
soo sheegnay iyo wixii kale ee baahi ah ee yimaada.
3. Dib u eegista qorshayaasha isbahaysiga
iyadoo markasta la waafajinayo duruufta iyo danta
isbaheysiga.
DH- Xoghayaha caafimaadka iyo Xiriirka
Samafalka
1. Diyaarin istiraatiijiyad caafimaad
oo ku wajahan bulshada Soomaaliyeed.
2. Dhisidda hay’ado samafal oo
ka shaqeeya baahidda bulshada sida daryeelka agoonta,
waayeelka, haweenka keligood ah, dadka ku barakacay
dagaalada iwm.
3. Diyaarinta baahidda dhabta ah ee
bulshadda dhibaataysan.
4. Diyaarinta barnaamij caafimaad deg
deg ah oo wax loogu qabanayo Ummadda Soomaaliyeed.
5. Diyaarinta barnaamij wax looga qabanayo
aafooyinka ku dhaca dadka sida abaaraha, daadadka,
barakaca, cudurada faafa iwm.
6. Ku qancinta hay’adaha samafalka
wax u qabadka dadka si hufnaani ku jirto iyo gacansiinta
hay’adaas.
7. Abuurista dhaqanka istaakulaynta
iyo xoojinta xiriirka samafal ee bulshadda u dhexeeya.
C- Xafiiska dabagalka xadgudubyada iyo
dembiyada dagaalka
1. Ururinta xog ku aadan dhibaatada uu gumaystuhu
u gaystay shacabka
2. La xiriirka hay’adaha Xuquuqul
Insaanka iyadoo loo gudbinayo taciyadda iyo ku tumashadda
Xuquuqul Insaanka Shacabka Soomaaliyeed.
3. Diyaarinta dacwooyin danbiyodagaal oo lagu soo
oogo ciidanka dalka ku soo duulay,kuwa gacanta ka
geystay, hogaamiye kooxeedyada iyo madaxda maleeshiyaadka
Soomaalida ah.
4. U soo Bandhigidda beesha caalamka
taciyadda iyo ku tumashadda xuquuqul insaanka bulshadda
Soomaaliyeed.
Qeybta 4 - Qodobo Guud
QODOBKA 29 Maaliyadda Isbaheysiga
Dhaqaalaha isbaheysiga waxa uu ka imaanayaa:
1. Qaaraanka ay bixiyaan xubnaha isbahaysiga
2. Maalgashi uu Isbaheysigu sameeyey
3. Deeq iyo deyn aan shardi ku xirnayn
4. Sadaqadda iyo kaalamda xubnaha ururka
5. Iyo Meelo kale.
QODOBKA 30 Soo Jeedinta iyo wax ka
bedelidda xeerka isbaheysiga
Xeerka isbaheysiga waxaa wax laga bedeli
karaa:
1. Markii loo baahdo in qodobbo lagu
daro ama laga dhimo ama loo baahdo in qodob wax laga
bedalo iyadoo ay isku raacayaan 2/3 golaha dhexe.
2. Wax ka bedelidda xeerka waxaa soo
jeedin kara subnaha Golaha dhexe oo gaarayo 21 xubnood
oo Golaha Dhexe ee Isbaheysiga.
3. Xeerkani wuxuu dhaqangalayaa taariikhda
uu Shirwaynaha Isbaheysiga dib u Xoraynta Soomaaliya
uu ku ansixiyo 2/3.
================================= Lifaaq
1. Haddii ay is khilaafaan ama ay timaado
kala duwnaan koobiyada soomaaliga iyo kuwa afafka
kale ku qoran waxaa asal noqonaya kan ku qoran afka
soomaaliga ah.
2. Fasiraadda xeerkan waxaa loo celinayaa
guddi sharci yaqaanno ah oo uu goluhu ogolaaday.
3. Haddii qayb ka mid ah Isbahaysiga
ay ku qanci wayso go’aaan waxaa lagu xalinayaa
habka isqancinta (Consensus). Guddiga Xoghaynta Shirwaynaha
Prof. Cabduraxman Xaji Aden Ibbi Guddoomiyaha Guddiga
Xoghaynta