Shaaha Bigeyska ah iyo kankaraha dhuunta oo xiriir ka dhexeeyo(iska qabooji shaaha)!
Cabitaanka shaah aad u kulul iyo Kankarha gala dhuunta ayaa la sheegay inuu xiriir ka dhexeeyo. Seynisyahanno reer Iraan ah oo sameeyey baaritaankan ayaa sheegay in la ogaaday inuu ka dhexeeyo xiriirku cudurkan iyo shaaha aad u kulul kadib markii ey baaritaan qaatay waqti dheer ku sameeyeen dad reer Iraan ah oo iyagu aad u jecel shaaha madow(bigeyska ) ah oo ey cabbaan isaga oo kulul.
Cudurka Kankaraha (cancer) ah oo gala dhuunta loona yaqaan oesophagea (waa tubada cuntada u qaada caloosha) ayaa waxaa uu fara ba'an ku hayaan dalal badan oo ku yaala qaarada Asiya iyo Afrikada qaar kuwaas oo aad u jecel shaaha kulul.
Dhakhaartiirtan sameeyey baaritaankan oo ka howlgala Jaamacada Tehraan University kuna soo bandhigay warbixintooda British Medical Journal ayaa sheegay in cabitaanka shaaha kulkiisu gaaro 70C iyo wixii ka badan uu sababi karo Kankara aan kor ku soo xusnay iyagoo sheegay ineysan weli ogeyn dhibaatada sida uu ugu geysto kuleylku dhuunta waxeyna sheegeen in loo baahan yahay baaritaan dheeri ah.
Cudurkan ayaa aad ugu yar wadamada Reer galbeedka ah iyadoo arintaasina loo eedeeyey iney isaga daraan shaaha caano taasoo qaboojisa iyadoo dalalka Asia iyo qaar kamid ah Africana aad looga cabbo shaaha bigeyska ey u taqaan somalidu waxaana u dhimatay sanad kasta cudurkan dad gaaray 500,000 oo qof adduunka oo dhan walow ey ugu badan yihiin wadamada Asia.
Sidoo kale dhakhaatiiirta ayaa sheegay in Tubaakada iyo Khamradu hore loo ogaa iney qeyb ka yihiin waxa sababa kankarahan laakiin wadamada reer galbeedka waxeyna sheegeen in haatan arintani daliil u tahay sababta dadka Asiyaanka ah oo aan khamri iyo tubaakada sidaa u cunin uu ugu badan yahay cudurkan.
Gobolka Golestan ee ku yaala waqooyiga Iran ayey sheegeen dhakhaartiirtu inuu ku dilo cudurkan dadka ugu badan adduunka waxaana ey sheegeen in dadka Tubaakada Cuna iyo khamrigu ey aad ugu yar yihiin laakiin seynisyahanada ayaa sheegay iney cabbaan ugu yaraan Hal Litre oo shaah bigeys ah maalin kasta.
Dhakhaatiirtan ayaa ku taliyey in la iska qaboojiyo shaaha loona kaadiyo(sugo) inta aadan cabbin in muddo ah si uu kaaga qaboobo waxeyna sidoo kale sheegeen ineysan wanaagsaneyn in la cuno cunto kulul loona baahan yahay in la iska qaboojiyo cuntada.
Dhakhaartiirta ayaa weli ogeyn in kuleylka iyo Kaankaruhu (cancer) ey xirir leeyihiin iyagoo sheegay in loo baahan yahay in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo.
Ka raadi google
