Seynisyahanno ku taliyey in gudniinka wiilasha qasab laga dhigo!
Khabiiro dhakhaatiirka oo ku dhashay wadanka Mareykanka ayaa ku taliyey in caadi laga dhigo gudniinka caruurta wiilasha ah si loo yareeyo cudurada galmada la isaga qaado.
Dhakhaatiirta ayaa dowladha adduunka ku booriyey in la gudo wiilasha oo dhan kadib baaritaan caafimaad oo ey sameeyeen taasoo lagu ogaaday inuu gudniinku si aad ah u yareeyo jeermiska laga qaado galmada.
Baaristan caafimaad oo lagu daabacay New England Journal of Medicine ayaa waxaa lagu sheegay in gudniinku yareeyo cudurada la iska qaado oo uu kamid yahay cudurka dilaaga ah ee HIV aids oo faraba'an ku haya dad badan oo ku dhaqan adduunka.
Wadamada Islaamka iyo Yahuuda ayaa gudniinku ka yahay mid waajib ah iyadoo cudurada laga qaado galmadana uu aad uga yar yahay wadamada kale.
Ka raadi google
