Daawo lagu daaweyn jiray Kankaraha(cancer) oo la ogaaday iney iyadu kordhiso!
Daawo lagu daaweyn jiray cudurka Kaankaraha (cancer) ayaa haatan uun la ogaaday iney iyadu bulaaliso ama kordhiso cudurka loogu tala galay iney daaweyso kadib baartiaan la sameeyey.
Koox seynisyahanno ah oo u dhashay dalka Ingiriiska oo baaritaankan sameeyey ayaa sheegay in daawada la yiraahdo Cilengitide ey kordhiso cudurka iney daaweysaba iska daaye.
baroobooyin lagu sameeyey dooli ayaa lagu ogaaday in Cilengitide baraarisay ama badisay buulasha kankaraha iyadoo ka dhigtay inuu canserku ku faafo si dhakhsa ah.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in baaristani tahay mid below ah loona baahan yahay in cilmi baaris dheeraad ah la sameeyo si looga gun gaaro sababta ey la shaqeyn weydiidey.
Cilengitide ayaa kamid ah daawooyin dhowr ah ee lagu la tacaalo kankaraha gala Kilyaha iyo caloosha iyadoo markii hore la sheegay inuu ku kordhin karto nolosha qofka bukaanka ah muddo 6 bilood ah.
Ka raadi google
