Gabar u dhalatay dalka ingiriiska oo sheegtay in habeen marka ey seexato xusuustii shalay ka tirtiranto!

Gabar Jilaa ah oo u dhalatay dalka Dalka Britian ayaa la sheegay in subaxdii marka ey soo kacdo eysan xusuusan wixii dhacay malintii shalay iyadoo marka ey seexato ey ka tirtirmaan maskaxdeeda wixii shalay ey sameeeysan.

Inantan oo sagaal iyo toban jir ah ayaa dhakhaatiirtu sheegeen iney qabto cudur aad adduunka ugu yar oo la yiraahdo Susac's syndrome.

Inantan ayaa la sheegay ineysan xusuusay shalay wixii ey cuntay, wixii ey sanadkii hore sameysan iyo xattaa wiil ey saaxiib la ahayd markii ey kala tageen.

Inantan ayaa tiri mar ey la hadleen joornaal ka soo baxay london " ma xussuusto wixii aan sameeyey shalay, sanadkii hore iyo marka aan fiiriyo sawir ma garanayo goorta la qaaday"

Cudrukan ayaa la sheegay iney qabaan inta la diiwaan geliyey illaa iyo 250 qof iyadoo weli aan loo heyn wax dawo ah, lana garaneyn waxa sababa.

Halgankanet@gmail.com


Ka raadi google

Custom Search