Falgale(hormone) cusub oo dhalmada wax ka tara iyo reyn reyn uu ku abuuray Seynisyahanada aduunka!
Koox Seynis yahanno ah oo u dhashay dalka Engiriiska ayaa dhowaan Falgale(hormone) ey u heleen si kedis ah ku sheegay inuu si wax weyn ka tari doono qaabka taranka Dumarka ama daaweynta dhalma la'aanta.
Falgalaha(hormone) oo loo bixiyey Kisspeptin loona soo gaabiyo Kiss ayaa la sheegay in lagu bedelo doono aakhirka daaweynta haweenka dhali waaya iyadoo lagu bedeli doono qaabka daaweynta haatan lagu la tacaalo oo ah mid toos ah ama si xasaasiya loo daweeyo minka dumarka.
Kooxdan Seynisyahada ah ayaa sheegay in Hormonekan cusub la ogaaday in dib uu u soo celin caro waxyaabaha ka maqan dumarka dhali waaya sida kuwa hormoneka dhalmadu ku yar yahay ama caadadiiba ka go'day sababo la xiriir waxyaabo ka khaldan owgeed.
Baaritaankan oo lagu soo bandhigay aqoon is weydaasi ey la haayeen ururka Society for Endocrinology ayaa mar uu warbixinayey dhakhtarkii horjoogaha ka ahaa baarista Dr Waljit Dhillo waxaa uu sheegay in Banii aadamka ama xawayaanka uu ka maqan yahay Falgalaha (Hormone) Kisspeptin inuusan qaan gaarin oo uu ahaado qof aan taran lahayn (sexually immature).
Baaritaan lagu sameyey haween 10 ah, caadidi ka joogsatay noqdayna kuwa aan dhali kari ayaa waxaa lagu duray Faalgalaha kisspeptin. Kadib markii laga qaaday dhiig si baaritaan loogu sameeyo ayaa waxaa lagu ogaaday inuu siyaayad ama uu badnaaday Maadooyinka luteinising hormone (LH) and follicle stimulating hormone (FSH) oo muhim u ah dhalmada haweenka iyo kordhinta kiss hormoneka loo yaqaan.
Dhakhtar Dhillo oo ah horjooga baaritaankan ayaa yiri " Dhalma la'aantu waa cudur faraba'an ku haya lamaanayaal farabadan oo malaayiin ah waana arrin farxad leh in la helo wax dabiici ah oo lagu daaweyn karo.
Isagoo hadalkiisa sii watana waxaa uu sheegay iney tahay wax yadadiilo leh in falgalaha kisspeptin uu soo celin karo dhalmadii dumarka ka tegtay dibna ey si caadi ah ku heli karaan Caadadooda oo muhim ah dhalmada.
Dhakhtarka ayaa sheegay iney tahay haatan waxa keliya oo ey xooga saari doonaan qadar intee la eg ayaa la siinayaa dumarkan iyadoo laga rajo qabo in sanadaha soo socda la soo saaro daawo dabiici ah oo la falgasha xubnaha dhalmada caadiga ah taasoo dib u kicineysa hormonadii shaqeyn waayey.
Professor Richard Anderson, oo ka mid ah dhakhaatiirta dhalmada ee Jaamacada University of Edinburgh, ayaa sheegay inuu Falgalahan (hormone) kisspeptinka loo yaqaan yahay falgalayaashii la ikhtiraacay ama la helay muddo aad u fog isagoo sheegay in kacaan cusub uu u dhashay daaweynta ma dhaleysnimda ee durmarka uu wax khaldan yahay xubnahooda dhalmada.
Ka raadi google
