Maxamad Dheere iyo Gen. Yohannes oo markale qoorta isugu jira: Maxey isku darsadeen?

Gen. Yohannes taliyaha ciidamada lugta ee Itoobiya iyo gudoomiyihii hore gobolka Banaadir ayaa markale fooda is daray kadib markii Maxamad Dheere sheegay in Itoobiya "eysan u imaan iney na kaalmeeyaan ee ey u yimideen iney na qabsadaan.  Warkaas ayaa maxamad Dheere sheegy kadib markii uu dhamaaday waqtigii loo qabtay iney ka baxaan ciidamada Itoobiya gayiga Somalia.

Arintan ayaaa la sheegay iney ka careysiisay Gen. Yohannes isagoo ku wargeliyey Maxamad Dheere maanta inuu soo wareejiyo hubkiisa dhammaan isagoo ku sheegay hubka uu heystaa inuu yahy mid sharci darro illeyn jagana kama yaho dowlad e.

Arintan ayaa sidoo kale waxaa la loo maleynayaa ineysan ka marneyn wareysiyadii uu shalay siiyay idaacadaha taasoo uu ku sheegay inuusan aqoonsaneyn Nuur Cadde xiligiisa uu dhmaaday.

Soo wareejinta hubkiisa ka sokow ayaa la sheegay in sidoo kale loo raaciyay digniin culus iyadoo looga digay Maxamed dheere in dib dambe uu u dacaayadeeyo waxna ka sheego dowlada  Nuur Cadde walow cid kasta muwaadhin Somali ahi xaq u leeyahay in fikirkiisa dhiibto.

Lama oga waxa uu ka yeeli doono maxamada arinkan cusub in kastoo aan haatan waddooyin badani u furneyn iyadoo gobollada uu ka soo jeedo Maxkamaduhu ka taliyaan.

Arintan ayaa dhaceysa maalin uun kadib markii gudoomiye cusub iyo gola degaan loo doortay gobolka Banaadir oo uusan ka mid ahayn Dheere.

Sponsored by SOLAR LIGHTS


Ka raadi google

Custom Search