QM oo ku gacan seyrtay Madaxweyne Yuusuf inuu yimaado Jabuuti si uu u hogaamiyo wafdiga Dowlada
Madaxweynaha DFKG ah oo hore u sheegay inuu hogaamin doono wafdiga dib u heshiisiinta dowlada ku qeyb galaya shirka Jabuuti ayaa la sheegay in UNku ku gacan seyreen iyadoo loo sheegay inaan haatan wax laga bedeli karin gudiyadii hore u matalayey dhinacyada heshiiska saxiixay. Warar ku dhow madaxweynaha ayaa sheegaya inuu aad uga carooday arintaas isagoo dacwad u gudbiyey safaarada Jabuuti ee magaalada Nairobi si loogu fududeeyo inuu aado Jabuuti.
UNka ayaa la sheegay iney uga shakisan yihiin madaxweynaha inuu dhiciseeyo heshiiskii horudhaca ahaa ee lagu gaaray Jabuuti haddii uu cagdhigo magaalada Jabuuti. Dowlada Jabuuti ayaa la sheegay iney u deyrisay tegitaanka C/llahi Yuusuf ee Jabuuti iyadoo horeyba uga mid ahayd labada wadan ee u ololeynayey is-casiladda Cabdullahi Yuusuf si loo dhiso dowlada Midnimo qaranka ee mushkiladda Somalia heysata ka samatabixiya.
Wararku waxey sheegayaan inuusan weli ka quusan madaxweynuhu aadista Jabuuti isagoo laga yaabo inuu si shakhsi ahaan ah ula hadlo Madaxweyne Geele si uu u tago Jabuuti.
Dowlada Jabuuti iyo DFKG ah ayaa waxooga isu soo dhowaasha ah laga dareemay kadib markii Eriteria weerar ku qaaday Jabuuti iyadoo dadka somalida ahina la istaageen walaalahooda Jabuuti ee gardaradda lagu weeraray.
Wixi war dheeraad ah oo ka soo baxa kala soco www.halganka.net
Ka raadi google
