Gabar 10 Jir oo toban sano kadib bilowday in ay wax cunto!
Gabar yar oo toban jir kuna nool dalka Ingiriiska ayaa maanta bilowday iney afka ka qaadato cunto kadib markii tubo (tupe) lagu quudinayey muddo toban sano ah. Inantan oo lagu magacaabo Tia-Mae McCarthy ayaa ka yaabisay dhakhaatiirta kadib markii ey diiday iney afka ka qaadato wax cunto ah, iyadoo la amray in tubo cunto biyaha ah lagu siiyo si ey u noolaato iyagoo dhakhaatiirtu sheegay ineysan jirin wax cudur ah oo ey qabto(medical reasons) oo ka ceshanaya cuntada.
Hooyada dhashay gabadhan oo la yiraahdo Sue ayaa u sheegtay qaar kamid ah saxaafada Ingiriiska iney saakay weydiisay iney dooneyso Yoghort isla markaasna ey ka aqbashay kadibna waxaan siiyey bey tiri custard iyo ice cream qadadi iyo cashadi iyadoo aad ugu faraxsan, waxeyna tiri "Weligeey uma maleyneyn iney wax cuni doonto" iyadoo indhaheeda illini ka soo jeedo.
Ka raadi google
