Kaadi Sokorowga oo la ogaaday waxa sababa!

Cudurka kaadi macaanka ama sokorowga ayaa la sheegay in laga yaabo in loo helo mustaqbalkaa talaal looga hortagayo kadib baaritaan daraasaatka ah oo ey muddo dheer khabiiro dhanka Caafimaad ah ee dalka Britian ey sameynayeen.

baaritaankan ey sameeyeen dhaqaatiirtu ayaa lagu ogaaday inuu xiriir ka dhaxeeyo jeermis laga helo beerkayaraha(pancreas) oo loo yaqaano enteroviruses iyo kaadi sokorowga nooca lambar kowga (type 1 diabetes) ka loo yaqaano.

Baaritaanka ayaa lagu sameeyey Beerka yaraha 72 caruur ah oo ugu dhintay cudurkan kaadi sokorowga muddo 25 sanadood ah waxaana u soo baxday dhakhaatiirta in 60% caruurta beerkayarahooda laga helay jeermiska aan kor ku soo sheegnay. Jeermis ayaa caadiyan sababa cudur u eg qandho iyo shuban lama ogeyn inuu xiriir la leeyahay kaadi sokorowga.

Dr.Alan Foulis, oo ka shaqeeya Isbitaalka Glasgow Royal Infirmary horjoogana ka ahaa baaritaanka ayaa sheegay iney haatan suurtagal tahay in looga hortago cudurkan si talaal ah kaas oo laga talaalayo caruurta yar yar.

Dhakhtarkan ayaa sheegay inuu aamisan yahay in baaritaanka oo soo dedejinayo talaal lagula tacaali karo carruurta yar yar maadaama uu  yahay cudurku mid ka yimid Jeermis wuxuuna sheegay  in dalka Ingiriiska ey ku nool yihiin illaa 250,00 qof oo qaba cudurkan.

Kaadi Sokorowga ayaa ah cudur nafsadaha halis ku ah kaas oo u baahan in mar walba qofka qaba uu is duro si uu u ogaado heerka sokortiisa iyadoo sidoo kale dadka qabaa ey si taxadir leh u qaataan cuntooyinka ey u baahan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirta ayaa sheegay in daawo talaal ah oo loo helaa cudurkan ey qaadan doono mudddo aad u dheer taasoo noqon doonta mid talaalka caruurta.


Ka raadi google

Custom Search