Xafladda Aas-Aaska Campuska Jaamacadda Gedo.
Baardheere:Munaasabada xafladda Aasaaska Jaamacadda Gedo oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan iyo Martisharaf ka kala socotay Ururada bulshada rayidka ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta hayadda HIRDA ee degmadan Baardheere.

Musaasabadda Xafladda Aasaaska Jaamacada GEDO oo ay soo dhiraandhiriyeen islamar ahaantaasna ay gacan ka gaysteen Ururka Somali Development Foundation Iyo Markabley Relief and Development Trust ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha G/ Gedo Xuseen Sh Cabdi Ismaaciil ( Xuseen Faray) , Guddoomiyayaasha Golaha Degaanka Iyo Kan Maamulka Degmada Baardheere Max;ed Xirsi Dhudi, Wakiilka Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Maxamed Ugaas Cumar iyo wakiilo ka socday Somalidda Qurbaha iyo waliba masuuliyiinta iyo qeybaha Ururada Bulshada rayidka ah.


Furitaanka Xafladdan sida weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Xuseen Sh cabdi Ismaaciil oo ku nuuxnuuxsaday rajada ay dadka degan gobolada K/Galbeed Soomaaliya u qabeen Jaamacad in ay haatan rumowday, taasoo uu tilmaamay in ay wax weyn ka badeli doonto hanaanka waxbarasho.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay howlwadeenada iyo ururada ka qeybqaatay Aas aaska Jaamacadda Gedo .waxaana uu tilmaamay in ay kaalin muhiim ah ka geli doonaan bogga taariiqda.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha jaamacada Gado Bashiir Cumar Ciise waxuuna tilmaamay baahida ay jaamadacada u qabaan dadka degen deegaankan waxaana uu sheegay in ay jaamacad ku kordhindoonaan kuliyado dhowr ah.

Maxamuud Xasan Cilmi ka socday Ururka SDF iyo Cabdiqeyr Sh Soofe oo ka tirsan guddiga Jaamacadda oo ka soo baqoolay carrida Maraykanka ayaa ku dheeraaday baahidda loo qabo in laga hirgeliyo waxbarasho tayo leh gobolka Gedo taasoo ay sheegeen inay saameyn lixaad leh ku yeelan doonto dadka ku dhaqan guud ahaan K/Soomaaliyo oo dhan.
Sidoo kale Cabdirahmaan Maxamud Sh Yuusuf oo ah wakiil Ururka Markabley Relief and Development Trust oo kamid ah masuuliyiintii meesha ka hadashay ayaa diirada saaray islamar ahaantaasina ku booriyay qeybaha bulshadda in ay ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah maadaama aysan horay fursad u helin.
Aasaaska jaamacadda Gedo waxay ahayd iftiin mustqablka ah waxayna ku timid qorsheyn xeel dheer , safaro tiro badan iyo dadaalo daqli uruurin oo aqoonyahano bulsho daneeyayaal ah ugu kala goosheen saddex qaaradood, dhawr darsin oo dal iyo magaalooyin tiro badan oo ku yaal dalalja caalamka.
Aaas aaska jaamacadda Gedo oo ay ku dadku ku soo dhaweeyeen bandhig faneedyo kala duwan oo isugu jira ciyaaro kubadda cagta ah kuwaasoo dhalintu ay ku muujiyeen firfircooni. Intabadan dad weynaha G/Gedo ayaa si weyn oo hididiilo ku jirto u soo dhaweeyay Aasaaska Jaamacadda GEDO.
Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO
Ka raadi google
