Qorshihii Itoobiya ka lahayd shirka Nairobi oo fahilmay kadib markii Cabdullahi Yuusuf diiday inuu is-casilo: Muxuuse yahay Plan "B" gu?

Wadamada IGAD  ayaa ku fashilmay iney guul ka gaaraan danihii ey ka lahaayeen shirka ey isugu yeereen, kaasoo  sida la sheegay in la rabay markii hore in lagu doorto madaxweyne cusub iyo Dowlada ka kooban labada dhinac ee ku heshiiyey magaalada Jabuuti ee wadanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Kulankii uu la qaatay Cabdullahi Yuusuf Madaxda IGAD ayaa la sheegay iney u sheegeen Cabdullahi Yuusuf in muddo afar sano ah oo ay jirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wax qaban weysay, sidaas darteedna loo baahan yahay in uu is-casilo, hayeeshee arrintaas waa uu ku gacan seyray sida laga soo xigtay dad dhow shirka.

Cabdullahi Yuusuf ayaa u sheegay madaxda IGAD inuu  waqtigiisa uu dhammeysanayo markaas kadibna ciddii la rabo loo dhiibo jagada Madaxweynanimada Somalia. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo casha sharaf loo sameeyeey madaxda IGAD isagoo ka baqaya in cadaadis dheeraad ah la saaro si uu isu casilo.

Kadib markii uu diiday inuu is casilo ayaa wararku waxey sheegayaa in la soo saaray baaqii shalay si loo wax uun dadka loogu sheego iyadoo la ogyahay in arrintaasi eysan waxba ka soconeyn.

General ugu sareeya ciidamada Itoobiya ee Somalia Gen.  Gabre Dilla ayaa haataan arinta faraha kula jira iyada oo loo maleynayo in arinta aan sidaa loogu harin lamana oga waxa xiga arrintan.

Dhanka kale, lama oga waxa la yeeli doono ciidamada Itoobiya oo lagu waday iney ka guuraan meela kamid ah magaalada Muqdisho iyadoo sidii qorshuhu ahaa wax u socon waayeen kadib markii uu diiday madaxweynuhu inuu is casil, la arki doonee sidii wax noqdaan.


Ka raadi google

Custom Search