Xalka Somali wuu soo dhawaaday balse waxaan la heyn ( Leadership), Hogaamiya!(Engineer Gaboose)

 Xalka Somali wuu soo dhawaaday balse waxaan la heyn ( 
Leadership), Hogaamiya!(Engineer Gaboose)

Waa nasiib daro in Somali aan la heyn Hogaamiya leh 
Aqoon, karti, Aragti dheer,  Cadaalad iyo Daacadnimo; { Leadership, 
Knowledge, Vision, Honest and justice}. Waxaa dhawaan soo gaaray London 
ninkii hogaaminayay shirka Jabuuti garabka Maxkamadaha, waxaa uu ku 
andacooday markii eey weydiiyeen rag eey isku heyb yahiin  sababta uu u 
saxiixay heshiiskii  Somaali inta badan eey la yaabeen. Waxuu ku jawaabay 
C/raxman Abdi shakuur " Waa nala soo hoos geliyay, anagauna waxaan 
daneyneynay in aan la fariisano UN ka".  Waxaa la yaab leh dhalintii dhimatay 
iyagoo difaacaya Diinta iyo Dalka, maxeey u dhinteen?. Hadii ula jeedada eey 
aheyd in lala fariisto UN ka kaliya maxaa ubadka Somaali loo qiyaami?.   
Waxaan garanayaa wiil Somali oo qabay gabar Cadaan ah kana tagay qurbaha in 
uu ku nafwaayay Dagaalka isagoo difaacaya Dalka iyo Diinta; waxaa jiro wiil 
aan garanayo oo ka tagay isagoo dhiganaya 'first year of University' kuna 
geeri yooday Beydhabo, dhamaantood illaah Naxariistii Jano ha siiyo  intii ku 
naf weysay  Somalia, balse waxaa nasiib daro ah in maanta magacoodii uu 
C/rahman C/shakuur uu ku gor gortamaa isagoo raadinaya dan gaar ah, iyo in uu 
UN ka la hor fariisto.

   Waxaa kaloo C/rahman C/shakuur uu ku yiri dadkii eey hoos u wada 
sheekeysteen " Heshiiska la gaaray ma aha mid dhab ah ee waxaan saxiixnay 
waxeey ahaayeen hordhac". Waxaa wax laga naxo ah in C/rahman C/shakuur oo 
hogaaminya shirka jabuuti uusan aaminsaneyn jirka jabuuti balse waxaa uu 
geystay Niyad jab, Tafaraaruq, Jahwareer dhalintii difaaceysay Diinta, iyo 
Dalka.

  Mar wax laga weydiiyay C/rahman C/shakuur sababta eey isku heystaa Sheikh 
Hassan Daahir, Indha Cade, Ahmed C/salaan, iyo C/rahman C/shakuur naf 
ahaantiisa oo dhamaantood ka soo wada jeeda Beesha Ceyr. Waxaa uu ku Jawaabay 
" Sheik Hassan Daahir waa  xag jir oo cid aqbaleyso ma jiorto, Indha cade waa 
ninkii fashiliyay Maxkamadaha, Ahmed C/salaane waa gabal sii dhacaya oo la 
tagaya C/laahi yuusuf, Anigoo ah C/rahmaan C/shakuur wax iigaga fara dhuuban 
ma jiraan" . Waa hadalo naxdin leh hadalka ka soo yeeray C/rahman C/shakuur 
waana hadala dhaawacaya sumcada iyo sharafta inta Gumeysiga diiday oo uu 
hogaaminiyay Sheikh Sherif.

   Waxaan ilaah ka baryaa in uu Sheikh Sherif garto xalka umada iskana 
ilaaliyo dadka leh danaha gaarka ah.

    Waa Qoray Eng: Gaboose.


Ka raadi google

Custom Search