DAMAC SHEIKH UMAL IYO KU GABASHADA DIINTA

 Waxaa ku bilaabayaa qoraalkayga magaca ilaahaay ilaahay kor ahaaye
Waxaa ilaahaay kitaabkiisa ku sheegay inuu isagu kitaabkan soo dejiyay ilaalina doono
Waxaa maalmahan ama sanadahan danbe soo baxay wadaado ama niman ku magacaaban
magacayada calaamadaha diinta islaamka sida sheikh iyo erayo la mida
Oo u adeegsanayaa arimo siyaasad ama dano shaqsiyadeed ayaadka muqadaska ah ee
ilaahay nebigeena calayhi salaatu waa salaam waxaa uu ka dheeraa gaalaysiinta iyo
inuu ridiyo markiiba dadka waxaa jirta in nebigeenu marxalado adag oo culus uu lasoo
maraay diinta islaamka waxaa xaqiiqa inuu yahay macalinkii ama barihii umada
islaamka hadaba waxaa  jirta in culumadu tahay  kuwii dhaxlay nebiyaasha , dhaqan
ahaan , akhlaaq ahaan, iyo eray ahaan ba .

Waxaa wax aad loola yaabo laga naxo ama laga anfariiro ah ninkii dhamaa ee ahaa
daaciga sheeikh umada u fityooda khaasatan wadamada yurub laga dhagaysan jirey
muxaadarooyinkiisa inuu maanta damac aduunyo iyo kursi doon dartiis dad muslimiina
ku gaaleyay kuna tilmaamay inay dhaafeen oo ka gudbeen xadkii islaamka
Waa  su,aal sheukh umal markii uu la kulmayo Isbhaysiga  Dib uxoreynta Somalia
ARS muxuu ka raadiayay jabuuti  kadib markii uu weydiistay in lagu daro xubanaha
cusub ee 4.5 lagu qaybsanaayay ayaa waxaa loo sheegay iinusan ahayn soomalida degta
soomaliyadii hore ee maanta muruga iyo mashaqadu haysato uu kasoo jeedo NFD
Marka soomaliweyn la doonana uu noqon doono shaqsiga koowaad
Balse hada lagu jiro xal u raadinta soomaliya oo 20sano dhib ku jirtay
Waxaase cajiiba sheikh umal oo aan dawladii cabdilaahi yuusuf ka hadlin, aan ka
hadlin , maamulka puntland, oo aan ka hadlin ka soomaliland .  aan ka hadlin
Wadaadada islaamiyiinta ah ee kismaayo tacadiya iyo xad gudubyada diimeed ee
gaysteen markaan soo qaadano gabadhii yarayd ee 16ka ahayd ee inta ay kufsaden
Weliba dhagaxa lagu dilay maxay tahay iyo isaga aan weligiis mucaaradin hogaanka
dalkiisa Kenya ee uu ku nool yhaay ee gaalada ah, samaysana jabhad islaamiya oo
Uu ugu dodo xuquuqda soomalida NFD maxay tahay sababta ku keliftay inuu sumcadiisa
iyo karaamadii uu ku lahaa bulshada dhexdeeda hoos u dhigo,

Soomalidaa waxay ku maahmaahdaa , hadalka uurkaaga ku jira afkaa kaa xada,!!!
Waxaan uga jeedaa ficilada qabaliyada iyo casabiyada iyo anaaniyada xanbaarsan
Ee kazoo baxay  sheikh umal waa mid  waxyeelo shaqsi ahaaneed iyo ihaano ugu filan
naftiisa waayo waxaa manta soomaaliya nin kasta oo dhibaato ugu baaqa waxaan u
aragnaa hadaan nahay shacabka soomaaliyeeed  cadawga nabada iyo degaanaanshiiyaha
soomaliya  waxaana xusi doonta nin walba boga uu ka galo lama ilaawaanka taariikhda
Damaca kursi doonka iyo ku gabashada diinta islaaamka  waa inay la kala ilaaliyaaa
Sheikh umalna waxaan odhan lahaa waxaad ka baxday saaxada culumada nadiifta ahayd
ee dib isu qabo oo ka waantoow waxyaabaha qariban ee aad bulshada dhexdeeda iyo
goobaha ka caagan xumaanta iyo xiqdiga iyo xasarada  waa maasaajidyada ilaahay aad
la fadhido waxaana kale oo sheegayaa sheiikha  ayaadka ilaahay subaxaanuhu watacaa
iyo axaadiista nebiga csw hadaad u adeegsato meel aan ku haboonayn waxaad xasuusataa
xadiiskii nebegeena  csw (man kadaba calaya mutacamidan  fall yataba wa  maqcadahu
mina naar) qofka been iga sheegay ayuu yidhi rasuulku calayhi salaatu waa salaam is
ula kac iyo kas ah hawga diyaar garoobo halkuu fadhiyo naar,
Been abuurka iyo buhtaanta waxaa ka mida in aad xadiis nebigeenu yidhi u adeegsato
dan gaara  oo kugu kooban keligaa inaad ku  fushato arimaha aduunyo
Madaxweynaha umada soomaliyeed iyo baarlamaankana waxaan aaminsahaanay
Haday xun yihiina waxay dusha u riteen  xilkii umada soomaliyeed kuna dhaarteen
Inay dalkooda iyo diintooda ka samata bixiyaan dhibaatada ku habsatay iyo
ismaandhaafka laxaadsaday ee siyaasadeed ,
Isu taanaasulaadka iyo tacaadufka iyo taraaximkuna waxay diinta islaamku ka qabto
waa  la ogyahay hadaba  waxaan ugu baaqayaa dhamaan culumaa, udiinta soomaliyeed
Inay si wadajir uga hadlaan culumada u taagan kala qaybinta shacabka iyo shirqoolka
cusub ee caadifada qabiil xanbaarsan ee lagula jiro  umada soomaaliyeed iyadoo la
adeegsanayo  magaca culumada  waxaana ku soo gabagabaynaaa maqaalkayga

Sheikh umaloow ,
Sherka aad wado
Iyo sheegashada diinta
Iyo shicibka aad duufiso
Shahabka noo muuqda
Shareeciyo islaamnimo maha
Shay adiga kuu gaara
Sharaf dhac weeyaan
Dadku shaahid bay wada arkaan
Shaati  madax doonka
Hadaad sheegto xumo
Iyo waxaan shaafiyeyn diinta
Aakhiro shalaaygeeda
Adigaa sheegi jirey waayo

Waxaa qoray maqaalkan
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com


Ka raadi google

Custom Search