Xuskii Xoriyada , Ma Xuskii Geerida ayaa Lagu Bedelay? Xaalada Soomaaliya , Xal Malaha Miyaa aan Xabad ahayn?:by Galayr
Xuskii Xoriyada , Ma Xuskii Geerida ayaa Lagu Bedelay?
Xaalada Soomaaliya , Xal Malaha Miyaa aan Xabad ahayn?
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Marka hore waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa inta damiir wadaniyadeed
Damiir islaanimo iyo dameer dadnimo ku jiro,
marka xiga waxaan tacsi u dirayaa dhamaan bulshada soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay
dagaalada ayaandarada ah ee ka dhacayaa dalka soomaaliya
marka sadexaad waxaan baaq u dirayaa golayaasha dhaqanka, golayaasha waxgaradka iyo golaha gumaadka shacabka soomaaliyeed oo ah dhalinyarada soomaaliyeed
waxaan leeyahay;-
Geesi maaha kii dila
Garabkii walaalkiis
Geesi maaha kii guba
Gurigii awoowgiis
Geesi maaha kii dhiba
Gacalo iyo hooyadii
Geesi maaha kii gala
Godob aan dawoobayn
Geesi maaha kii dhiga
Gulufka iyo colaadaha
Geesi maaha shacabow
Kii goblamiya maatida
Geesi maaha shacaboow
Kii ganaya maatida
Geesi maaha shacaboow
Kii gabanka sabiga
Weli gaadhin qaangaadh
Gowraca la taagsaday
Hadaaan intaas ka gudbo gubaabada dhalinyarada soomaalyeed oo noqotay gacanta dhamaysay shacabka gacanta goblomisa maatada gacanta gubta guryaha waalidkood
Gacanta galabsatay habaarka hooyooyinka gacanta sababtay oohinta agoonta gacanta
Sababtay geerida aabayaashood iyo gacanta dhamaysay gebi ahaanba dadkii iyo dalkii
Nin welba waxaa xusi doonta taariikhda waxaa uu gaysto aduunka ninkii laga gooyn waayona maalin garsoor dhabi jiro oo aan gardaro lahayn ayuu marayaa godobta uu galay iyo dhibka uu galabsaday gudoonkiisaa ,
shacabka soomaaliyeedna mid baan leeyahay ilaaahay cidna ma dulmiyo kama gardarnaado
umad weliba waxay gaysataa loo gudaa ee shacabyahaw adigaa godobtan galay ee wa ainaad gaadhaa xalka aad uga gudbi lahayd garangarantan colaadeed ee galaafatay , geesigaagii
ee gubtay gebi ahaan dalkaagii, ee goblamisay hooyada, ee goobta banaan dhigtay gabdhihii somaaliyeed ee geyiga afrika ugu wacnaa u gawawartay cadawga iyo gacmaha shisheeye
umadyahay ilaa aad mucaarad nacdo iyo muxaafid , oo aad muwaadin noqoto
meesha ay dantaada iyo mahuraankaaga nololeed jirtona aad ku mintido weligaa
murugo iyo ciil ka bixi maysid.
Golaha dhaqanka waxaan leeyahay , imaamyada, ugaasyada , suldaamada, isimiada malaqyada , garaadada , wabarada iyo gebi ahaanba duubabka koonfureed
Waxaad tihiin magac u yaal maksabka aad haysana waa macno daro
Waayo ma mudnidin in laydinkuu yeedho magacyada qaaliga ah
Hadaadse tihiin idinku dad ka nadiifa aafada iyo inkaaraha dhacayaa kana madaxbanaan
Maalin qudha intaad meel isugu tagtaan maad midowdaan
Dadka intii macquulana maad wax u sheegtaa maydaan weydeen taageero
Mid nafeed iyo mid maalba maad badbaadisaan umadiina
Maad xaqa ku adintaan manta culumadii waad aragtaan
Caamadiina waad aragtaan waxaa manta mar kale loo baahan yahay
Rag bedela ragii hore oo soo halgamay ee gumaystihii cadaa ka kiciyay waadankeena
Ragii soo dhiqi jirAy dadka ee kala hagi jiray ee hogaanka cadalaada iyo garsoorka iyo xaqa ah marin jiray ragii daacada ahaa ee magacyadiina oo kale Lagu yaqaanay lana odhan jiray magacyada quruxda badan ee laydiinku yeedho hada sidoodii maad yeeshaan
Mise idinkaa la kala safan waraaabayaasha ku mamay hilibka maatida iyo maasaakiinka .
Golaha dhaqanka beelaha hawiye, golaha dhaqanka beelaha , digil iyo mirifle, golaha dhaqanka dirta koonfureed, golaha dhaqanka daaroodka koonfureed iyo golaha dhaqanka
Beelaha kale ee soomaaliyeed ee degan koonfurta soomaliya iyo bartamaha soomaliya
Maxaad sida Somaliland iyo puntland odayaashooda oo kale u mutaysan weydeen magac iyo murwaad iyo muwaadinimo, miyaydaan muslin ahayn, maatidiina ka naxayn maydkana arkayn weli meesha wadhan masuulkoow.
Madax isku sheega dowlada iyo mucaaradka waxaan odhan lahaa;-
Yaad madax u noqotaan
Yaad masuul u noqotaan
Ma maydkiyo qabuuraha
Mise shicib mar hore qaxay
Dadku waabad madhiseen
Midhadh baa ka soo hadhay
Madiina hospitaaliyo
Kaysanay dhex miliqsane
Marka aad dhamaysaan
Ma yeedhaanka xoolaha
Maanyada badee weyn
Malayga iyo ugaandhiyo
Ma dhirtaad xukumaysan
Mise waxaad ka gadaysaan
Umadaha macquulka ah
Maxastooda nooshahay
Aan maatidoodiyo
Shicibkooda soo madhin
Maka dhoofi doontaan
Maxaad yeeli doontaa
Madfac wuxuu ku dhacayaa
Masakaaiin agoonoo
Mar hore aabahoodiyo
Hooyadood marxuumeen
Madfacu waxuu ku dhacayaa
Muslin aan waxgaysanoo
Maalintii qiyaamaha
Mawluhu siduu yidhi
Miisaanka weyniyo
Ma huraanka aakhiro
Meeshee baad ka gelaysaan
Intaas waxaan kaga baxay madaxda dadqalatada ee aan aqoon waa maxbuus , waa biri maygaydo waa haween , waa waayeel , waa caruur, waaa aqoonyahan , waa ,masuul
Ee mashruuca ku soo qaadatay madhinta umada soomaaliyeed
Ugu danbayn waxaan ku soo afjaryaa hadalkayga
Abwaanada soomaaliyeed , waqtigii nabadu jirtay dadka idinkaa kiciyay oo heeso iyo maansooyiin delay iyo siinleey shiinleey , iyo gabayo iyo muusanoow la dhextaagnaa
Manta idin meeyay aaaway murtidiinii aaway masuuliyadii idinka saarnayd
Dalkiina iyo dadkiinaa miyaad ilowdeen maxaa loo hadli waayay loo wacyi gelin waayay
Umadan wareertay , maxaa shacabkan , qabiilka , diinta , iyo beenta, lacagta lagu dhagrayo
Loo toosin waayay xaqiiqada iyo wadaniyada iyo dhamaan wanaagana loo tusi waayay
Maahmaah cajiiba ayaa waxay tidhaahdaa jinni ninkii keena saaraa golaha abwaaniinta soomaaliyeed waxaan leeyahay waad gabteen xaqiiqadii iyo maksabkiina sida
Qolyaha kale aan soo sheegay balse idinku weli danbiilayaal maydaan noqon
Ee waxaa laydinka doonayaa dalkan la ganbiyayo ee gebi ka sii dhacayaa
Inaad u soo gurmataan,
Haweenka soomaaliyeedna waxaan odhan lahaa shalayna idinkaa laydinku fakaday
Oo mashxaradiina gobonimada iyo guusha dhalisay maantana idinkaa goblamay
Ee raga soomaaliyeed googol u dhiga oo idinka oo ah hooygii iyo hooyadii wadanka
Waad ogtihiin oo lama yidhaahdo dhulka aabe ee waa dhulka hooyo, afkuna waa afka hooyo
Hooyooyinoow ubadkiina iyo ragiinaa runta u sheegaa, dedaal waad wadaan dal iyo dibade
Waxaad yeeshaan raga heshiiskooda ka shaqeeyaa
Waxaan kaloo halkan fariin u dirayaa bahda saxaafada oo ah bahda ugu nadiifsan bulshada soomaaliyeed iyaga laftoodana dhibaatada ugu badani ku dhacdo waxaan idin leeyahay
Waxaad haysaan wado fiicane haka weecanina , waxaad tihiin warbaahin ee wanaajiya waxaad sheegaysaa, waxaad tihiin , wacyiga manta jira kuwa aan waxba qarin , waxaad badisaan , waxsheega waxii wanaagsan,
Aqoonyahankana waxaan odhan lahaa , soomaaliya waxaad ku barateen waxaad ugu shaqaysaan europa , amerika iyo austrelia oo aan idiinka baahnayn umadaha carbeed oo aan idiin ogayn ee waxaa idiin baahan dalkiinii iyo dadkiinii ee aqoonyahanoow , arligii nabad iyo axsaan u gala , umadii wax u sheega , inta jiran daweeyaa , inta duntay inoo dhisa , inta aasan soo saara inta aan la arkayna iftiimiya
Wabilaahi tawfiiq
Waxaan ku soo afjarayaa duco qoraalkayga
Mawloow ilaahay
Maganta aadaan nahay
Maciinow ilaahay
Mucjisada na haysiyo
Murugadaba naga qaad
Mubdi, iyo muntaqimow
Naga meeri dhiilada
Mugdiga iyo colaadaha
Manta eebahayaw
Maganta adaan nahay
Muslimiin ayaan nahay
Mahlakada colaadaha
Mashaqadaba naga saar
Mabda, kii xaqnimo leh
Masuulna kii macquula
Magacna kaaga ugu mudan
Mahad oodhan keligaa
Mawloow adays kaleh
Muslinoow amiin dhaha
Manta waa xoriyadii
Waa madaxbaanidii
Maalinteeda samo iyo
Inagoo mid keliya ah
Mawloow na gaadhsii
Aamiin aamiin aamiin
Waa Qalinkii iyo Hall , abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Ka raadi google
