Waxaan idiin helnay warqadihii Somalia ay u dirtay UNCLOS ee Badaha Somalia(hoos ka shubo)
Qormadii ey dirtay Somalia UNka oo ku saabsanaa badaha Somalia ayaa waxaa uu ka kooban yahay 15 warqadood(pages) iyadoo la sheegay dowlada Somalia iney weydiisatay in dowlada Norway ka caawinto qoridda warqadan sharciga badaha ah iyadoo dowladda Norway sida lagu sheegay warqada codsigaasi aqbashay. Warqada oo eysan weli noo suurtoobin inaan wada akhrino ayaa waxa ey tahay waxa loo yaqaan Continental Shelf(dhulka biyaha badda ka hooseeya) ee ka baxsan biyaha Somalia illaa iyo 200 oo mile.
Khubaro badan ayaa wal wal ka muujiyey heshiiskan sababo la xiriira dowlada Norway oo ku xeel dheer sida badaha hoostooda looga qodo batroolka iyadoo sida muuqata dano gaar ah ka leh arrintan.
Waxeyna sheegayaa khubaradu in Somlia hadhow eysan diidi karin(objection to oil dirilling) haddii labadan dowladood ka bilaabaan iney saliid ka qodaan biyaha fog ee ku aadan Somalia iyadoo heshiisku dhigayo in muran badeed ka dhexeeyo Kenya iyo Somalia oo ey somalia qiratay in muran kala dhexeeyo Kenya.
Laakiin khubaro kale ayaa qaba in dowladihii hore ee Somalia ey sidoo kale u direen UNka warqad tan lamid ah oo aan waxba ka bedelneyn sidaas darteedna haddii Kenya ey bilowday qodida saliida ee waxa ka baxsan 200 mile oo badeeda ah eysan diidi karin Somalia walow iyagu ey saliid qodow ka bilaabi karaan halkan u aadan meesha ey kenya saliida ka qodeyso oo badeena ku aadan taas oo ey haatan sameeyaan wadmo ey kamid tahay Norway iyo Ruushka oo bad saliideed wadaaga.
Warqadii codsiga oo uu saxiixay Raisulwasaaruhu halkan rogo
Warqad loo gudbiyey UNka oo PDF ah halkan ka shubo.
Heshiiskii dowlada Kenya iyo Somalia halkan ka shubo





































