Vitamin B-ga oo la ogaaday inuu wax ka taro yareynta Kaankaraha (kansarka) Dhuunta

Warbixin lagu qoray Joornaalka la yiraadho Journal of the American Medical Association ayaa lagu sheegay in dadka Vitaminka B-ga loo yaqaano uu jirkooda ku badan yahay uu ku yar yahay kaansarka dhuunta ku dhacay iyagoo sababtaasi ka xiriiriyey inuu vitaminku ka hortago ama yareeyo cudurkaasi.


Seynisyahanadda ayaa baaritaanka ey sameeyeeen waxaa ka qeyb qaatay illaa iyo 400.000 oo qof kuwaas oo qaarkood sigaarka cabba iyadoo dadka sigaarka cabbana ey halis ugu jiraan iney qaadaan cudurkan Kaansarka dhuunta.
Seynisyahanada ayaa ku taliyey in lala qaato Vitamin B-ga, falgalaha loo yaqaano Amino Acid methionine. Amino Acidka methionine ayaa ah ka mid ah falgalayaasha muhimka ah ee korinshaha ee bani-adamka iyagoo dib u curiya murqada qofka kadib marka uu isbedel ku dhaco.

Seynisyahanada ayaa sheegay in loo baahan yahay baaritaan dheeraad ah si loo hubsado iney xiriir isla leeyihiin yaraanta Kansarka dhuunta iyo Vitamin B-gu iyagoo ku celceliyey in muhim tahay in la dhaafo joojinta cabista sigaarka.

Dr Panagiota Mitrou oo ahaa horjooga baaritaanka ayaa yiri " in kastoo ey warbixintan muhim tahay eyna tahay mid lagu farxo haddana waxaa loo baahan yahay in qofku caafimaadkiisa ka shaqeeyo oo iska daayo cabitaanka sigaarka"

Dhakhtarka ayaa sidoo kale sheegay in haddii uusan qof iska joojin karin sigaarka in qaadashada vitamin b-gu wax ka tari karto ha  hortaga cudurka kaansarka dhuunka oo ey u dhintaa dad farabadan sanad walba kuwaas oo u badan dadka sigaarka cabba.

Vitamin b-ga ayaa laga helaa cuniska  Lowska, Malayga (kaluunka) iyo hilibka xoolaha kala duwan iyadoo sidoo kale loo qaadan karo sida kaniini ama kaabsol oo kale.

Cilmi baaristan waxaa ka qeyb qaatay illaa iyo Afar boqol oo kun oo qof oo ka kala timid toban wadan oo ka tirsan qaarada Yurub iyadoo socotay illaa iyo sideed sanadood.


Ka raadi google

Custom Search