Shirkii wadamada G8-ka oo laga soo saaray qodobo si gaar ah u quseeya Soomaaliya, saxiixayaashii Road Map-kana loogu baaqay…
Shir ay wadamada ku horeeya warshadaha ay khamiistii ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa qodobadii ay ka hadlayeen waxaa meel sare kaga jiray arrimaha dalka Soomaaliya iyo sida ugu macquulsan ee loo xallin karo dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed mudada dheer.
Gabagabadii shirkaasi ayaa waxa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 9-qodob oo quseeya arrimaha Soomaaliya, iyagoo taageeray hannaanka geedi socodka nabadda Soomaaliya, waxaana qodobadii laga soo saaray shirka ee quseeya Soomaaliya ka mid ah:-
- In la taageero Soomaalida oo lagu gacansiiyo sidii ay uga gudbi lahaayeen marxaladda ay haatan ku jiraan.
- In dhinacyada Soomaalida ay fuliyaan qodobadii ka soo baxay heshiisyadii ay ku gaareen Garoowe, kuwaas oo kala dhacay December 2011-kii iyo February 2012-ka.
- In dhinacyadaasi ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaasna ay isku taxalujiyaan sidii ay uga bixi lahaaayeen xilliga ku meel gaarka iyo fulinta qorshaha Road Map-ka Soomaalia oo gacantooda ay ku saxiixeen.
- In loo diyaar garoobo wixii ka dambeeya bisha August oo ay ku egtahay waqtiga dowladda xilligaasina ay dhacayaan doorashooyin.
- G8 waxay soo dhaweynayaan shirkii London ee dhacay bishii February iyo qodobadii shirkaasi ka soo baxay, waxa ay sidoo kale taageeraysaa shirarka soo socda ee ka dhacaya dalalka Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya.
- Kooxdu waxa ay diiradda saareysaa sidii dowladda KMG ay uga gacan siin laheyd la dagaalanka kooxaha argigixisada geeska Afrika.
Wadamada la isku yiraahdo G8ka ayaa waxaa ka mid ah France, Germany, Italy, Japan, Britain, Maraykanka, Canada iyo Ruushka, kuwaasoo dhaqaalahooda ka sareeya dalalka kale ee caalamka.
Ka raadi google
Custom Search
