Seynisyahanno soo saaray nooc cusub oo loola dagaalo TB-da iyo jeermisyada kale.

 Culumo Seynisyahanano ah ayaa sheegay in ey dhowaan ikhtiraaceen nooc cusub oo loola dagaalo Cudurada dilaaca ah sida TB-ga iyo noocyada kale ee Bakteeriyada ah kadib markii ey heleen hab cusub oo loo saari karo antibiotics (antibayootik) cusub.

Cuduradan halista ah sida Tiibishada ayaa la sheegay iney qabaan dad ku dhow illaa iyo 80,000(sideetan kun) Qof iyadoo badanaa disha in badan oo intaasi kamid ah.

Seynisyahadan ayaa sheegay iney heleen enzyme ama falgale cusub kaas oo si dabiic ah u summeynaya bakteeriyada Tiibishada isagoo badinaya sokorta loo yaqaano maltose 1-phosphate oo si dabiici ah laga helo xubnaha qofka.
Culimada ayaa sheegay marka Falgalahu (enzyme) uu gaaro xubnaha uu kiciyo ama sare u qaado sokorta loo yaqaano 1-phosphate taas oo dhalisa in uu dhinto Jeermisku iyada oo aan xubnaha bani aadamku waxba ku noqon.
Seynisyahannada soo saaaray habkan cusub oo ka shqeeya Jaamacadda John Innes Centre in Norwich and Albert Einstein University ayaa sheegay iney haatan ka shaqeeynayaa sidii ey u soo saari lahaayeen dawo sameyn karta sida kimikadan ey u isticmaaleen baaritaanka.

Si kastaba, Seynisyahadan ayaa sheegay in arrintani tahay mid bilow ah isla markaasna ey qaadan doono dawo laga sameeyo waqti dheer iyagoo sheegay iney weli u harsan tahay baaritaano dheeri ah si ey u noqoto dawada laga soo saari doono  mid aan wax u dhimin dadka.
halgankanet@gmail.com


Ka raadi google

Custom Search