Rajo laga muujiyey daawo loo helo malaariyada!

Daawo looga hortago malaariyada ayaa waxaa soo bandhigay Seynisyahanno u dhashay dalka Mareykanka iyadoo la sheegay in daawadan loogu talay laba walxaatood oo kala ah iska-celinta daawadii hore ee kaniicadu iska celin jirtay (resistance to drugs) iyo iney ka celiso kaneecada iney ku shubto sunteeda marka ey qaniinto qofka.

Baaritaan Daawadan cusub oo lagu daabacan Jornaalkaa caafimaadka ee "Nature" ayaa lagu sheegay in daawadan laga sameeyeey kiimiko baabisa sunta kaneecado ku shubto qofka iyadoo sidoo kalena joojisa iney shaqeyn waayaan daawadii hore oo lagu tacaali jiray kaneecada.

Kaneecadda ayaa sanad walba wexey dhibaato u geysataa illaa iyo 250 Million qof iyadoo sidoo kalena ey dhintaan in ka badan 880,000 oo qofood.

Dhakhaatiirta ayaa sheegtay iney ku baroobeeyeen dooli dawada iyagoo sheegay iney u shaqeysay sidii loogu talagalay waxeyna sheegeen iney u baahan yihiin baroobo dheeri ah oo ey ku sameeyaan xayawaan si loo ogaado ineysan dhibaato u lahayn banii aadamka.

Seynisyahanada ayaa sheegay in daawo dadku isticmaali karo ey qaadan doonto illaa iyo toban sano laakiin waxey sheegeen wax weyn ka bedeli doono sida loola tacaalo caneecada.


Ka raadi google

Custom Search