Ra’iisul wasaaraha dalka Somalia iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

image: 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magalaada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dalkaasi.
Ra’iisul wasaaraha oo hoggaaminaya wefdi isugu jira wasiirro iyo masuuliyiin kale ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jambuuti, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dalkaasi, iyadoo Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa loo galbiyey Hotel-ka Can disk ee magaalada Jabuuti.
Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa kulammo kala duwan la qaadan doono madaxda sare ee dalka Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dowladdood iyo sidii dowladda Jabuuti ay u sii amba qaadi lahayd taageerrada ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.
Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa magalaada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga soo qeyb galay shirkii looga hadlay Horumarrada Road Map-ka, iyadoo safarka Ra’iisul wasaaraha ee Jabuuti kaddib uu dib ugu soo laaban doono magalaada caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ka raadi google

Custom Search