Maanso: Haddaan sidaan ogahay, Maba soo Tahriibeen.

Maansadaan waxaan uga faalloonayaa guud ahaan Jidka dheer ee ay soo maraan Soomaalida u soo Tahriiba Dalka Talyaaniga, waxaan ku soo ban dhigayaa guud dhibaatooyinka la soo gudboonaada, waxay si qumman u tilmaamaysaa waxa ay kala kalmaan Dalalka ay soo maraan, waxay kaloo muujinaysaa wax ay kala soo gudboonaada Wadanka Talyaaniga, marka ay soo galaan ka dib, iyo sida ay u cabiraan dareenkooda.

Sodonkii gu'ee tagay iyo
Beri samaadkii fogaa
Waayihii la soo maray
Nabad iyo samaanbaa
Lagu wada salaysnaa.

Xilligaa suubanee
Soomaalidu ku nooleed
Socod badan iyo dhoof
Saa looma xiisayn
Suuqley ganacsatoo
Salaydahaa dibadda
Silcadaha u dhoofiya
Ama soor ka keenoo
Sidaa ku sii iibiyoo.

Ama siyaasi meteloo
Soomaali danaheed
Sahan ugu jiraayoo
Sumcaddeeda dhawra
Dibaddaa u socon jiray.

Sanadihii colaadaha
Dalka ay ku saaqeeen
Dadka ay si weyn iyo
Saamayn ku reebeen.

Siliciyo dhibaatada
Dagaalada sokeeyee
Saameeyey noloshii
Sabi iyo cirooliyo
Say iyo afadiis
Seedi iyo dumaashi
Samo ay ka waayeen.

Hurdo salow ma noqotoo
Seexashadii iyo gama'ii
Soo jeed ma badaloo
Subax waa dillaaciyo
Saqda dhexe abeenkii
Sare joog ku gaareen.

Saxarkiyo qaxarkaa
Dadku socod ma doorteen
Saamaha iyo tallaabada
Ma la sii tallaabshoo
Soodimaha ma laga gudbay.

Socdaalkii Muqdishiyo
Hargaysiyo Saylac
Laga soo billaabee
Dalalkaa la soo maray
Dariskuna surkii yahay
Eratariya iyo Suudaan
Shakaraab salkeediyo        (Xero Qaxooti oo ku taal Sudan)
Khartum la sal-dhigtaa.

Safar laga abaabulo
Sodomeeyo qofood iyo
Tiro ka sii badan
Siible ama Cabdi-bile
Lancaruser la saaraa
Saxaraha u dhexeeya
Libya iyo Suudaan
Sidaa lagu abbaaraa.

Saxarahaa bidhaantiyo
Ishu intay soo qabatiyo
Sii muuqda cirifkiis
Saro iyo Geedo maleh
Sakadiyo Ceelal maleh
Halaq iyo Subxaanyiyo
Sulxashada Abeesada
Jilbis baa susumayee!.

Dhamacduna sideedaba
Soolar kugu dhagaayiyo
So'da ay qabsanaysoo
Sanku neefta gabayoo
Sambabadu shaqaynayn.

Gaarigu subixii iyo
Dharaar buu socdaayoo
Qorax sii dhicii iyo
Seqda dhexe habeenkii
Shanqar maba sameeyoo
Kama sikado gagadiis.

Silic iyo dhibkaa jira
Sulmigiyo harraadka
Seedaha iyo Halbowlahu
Dhiigga maba sayriyoo
Reer sabadka deganoo
Ku sii her gashoo ma lohoo!.

Siigadiyo dabayshiyo
Aaryada sanboorka leh
Neecaaw silloon iyo
Saxansaxo udgoon maleh!.

Seerahaa ballaarane
Saamuhu ka quustee
Inay sahal ku gooyaan
Qofba sibuu ku marayoo
Qolo sadax Maaloodbay
Kaga soo gudbaanoo
Qolo kale sodonkay xiraanoo
Maalmo ku sii darsadaan
Qolana sagaashan bay
Saxaraha ku moodaan!.

Kufro soodinteeda                  (Magaalo ku taal Xadka Libya & Sudan)
Marka la soo gaaraa
Naftu soo laabataayoo
Nolol la saadaaliyaa.

Xabsi sun ah Kafuuda dheh!    (Xabsi xun oo ku yaal Magaalada Kufra!)
Qofkii gala soomaw boxoo
Sanaduu ku qaataa
Sinjigaagu waa kee?
Ma Soomaali baad tahay?
Cidi maba su'aashoo
Sidee tahay maba tiraa?
Sab iyo Niik aan ka ahayn!       (laba eray oo cay ah!)

Alfallaax iyo Suwaariyo          (Al-falax & Aj-dabiya  waa Xabsiyo ku kala
Saleetin iyo Ajdaabiyo            magaalooyinka Tripoli & Aj-dabiya,  Inta
Garabulle iyo Saawiya            kale waa Magaalooyin laga boxo marka loo
Xabsiyadaa siliciyo                 soo dhoofayo Talyaniga, waxaanaa ku yaal
Sumcad xumadu taallee!        xabsiyo xunxun!)
Qofkaan soo marinee
Maalmo aan ku soo jirin
Tahriib maba soo marin!.

Safaaradda danaheed
Soomaali u taagane
Sida ay ku dhaqantiyo
Balaan soo bandhigo
Saadaal ka bixiyoo.

Waxay noqotay saylad
lagu kala sabaaliyo
Soomaalida habqankaa
Dollar ma sidataa?
Mise lagu soo diraa?
Ha lagu soo daayee
Safiirku waa dullaalka
Ugu sarreeya giddigood
Sonami yuu ku caan yahay
Waxba sooma celiyoo
Hamno iyo sad soo haray
Midna maba saluugee!.

Salaxadin iyo Jansur                 ( Xaafado ku yaal Magaalada Tripoli).
Suqul-madina iyo Dawra
Soomaali-istaag iyo Sharqiya
Dadbaa laga soo qabqabtoo
Jeelbaa salka l dhogee!.

Dhibku intaa kuma sinnoo
Doonbaa soo laabatiyo
Laash ka sii horreeyaan
Warkiisaba la soo helin.

Sicilia iyo Lampedusa         (Laba Magaalo oo ku taalla xeebaha Koofureed
Talyaanigii la soo galay       ee Talyaniga oo laga soo xirto marka la soo
Faqri iyo Saboolnimo           galayo Talyaniga)
Deeq aan sar-go'ayn iyo
Cayr baa la sugayoo
Waxse taa ka soko maray
Haddaan sidaan ogahay
Maba soo tahriibeen!.

Isteshinkoo la seexdiyo
Dormitoriyo saaladdii            (Dormitorio: waa eray Talyani ah
Subaxoon dillaacin                 waa goob-jiifeed)
Lagaa sii jarmaadini
Siddeeda habeenimo iyo
Fiidkii la soo gali
Haddaan sidaan ogahay
Maba soo tahriibeen!.

South Afrikaa dukaan iyo
Suuq iiga furnaayoo
Haddaan sidaan ogahay
Maba soo tahriibeen!.

Xaawalad baan saami iyo
Ku lahaa sad weynee
Haddaan sidaan ogahay
Maba soo tahriibeen!.

Layn baan sugaaayoo
Kas uga soo tagayoo
Haddaan sidaan ogahay
Maba soo tahriibeen!.

Sandaqaddii Bakaaraha
Sonkortiyo Bariidka
Risiqii iga soo galayaa
Sidaan ii dhaantayoo
Haddaan sidaan ogahay
Maba soo tahriibeen!.

Cunoo seexaan ku jiroo
Senti layma waydiinayn
Waxa aan u soo baxay
Aniguba ma sixi karo!
Haddaan sidaan ogahay
Maba soo tahriibeen!.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com


Ka raadi google

Custom Search