Maansada: Galbeed:by Bashiir M. Hersi

Waan maanso xambaarsan guubaabo iyo garnaqsi, ka hadlaysa xaalka jira
iyo walwalka badan ee ku xeeran aayaha dhaw iyo midka fogba, hoggaan
qalloocan, halaag hooray iyo mid soo hugmanaya, gobolaysiga iyo
goobaynta gayiga.
Cabsida uga badanina waxay ka jirtaa shirkan ka dhacaya London
23-bishan, dhankaanna waxay bidhaaminaysaa kaalintii gumaystuhu ku lahaa
kala qaybinteennii hore, waxa ka soo baxayana waqtiga ayaan la sugayaa
“Minhaaj lagama hor dhaco” ayey Soomaalidu ku maahmaahdaa.
Ugu dambayn, aan idiin kala dhex boxo idinka iyo Maansada, ee ka bogosho wanaagsan, maansadiina waxay u billaabatay sidan:

Gaasiraay sidaadaba
Gunta hoose moogaay
Garashada ka dheeraay
Guurada hurdeysaay
Geerida farxaysaay
Maankeed Gurracaneey
Gocoshada lahaynee
Gabbalkii dhacaayaba
Kuu yahay gabraaree
Goohaan dhammaanayn
Miyuu guulba keenaa?!

Talo waxaad ku gaadhoo
Go’aankaagu uu yahay
Gebogebo xumaan iyo
Guurguur socdaal iyo
Gallimaysi maalmaha
Guryo noqod lahaynoo
Geesaha adduunyada
Guudkeed la meeroo
Garaad iyo ogaal iyo
Ma geddaad lahaydiyo
Gobonimada diidbaa?
Gacanqabasho tuurbaa
Gabannada bireebaa
Gambooleyda laybaa
Garwadeenka duugbaa!

Gacalkiyo xigaalada
Gilgiloo ka qixibaa
Guriyihiyo daaraha
Gaas iyo Basiin iyo
Olol dabo ka galibaa?.

Gocoshaa i haysoo
Waxbaa igu gilgilayee
Geeraar ma doonayn
Gobanimo inaan helo
Gaajan u marayaa
Ganag baan u jarayaa
Gantaalaan u ridayaa
Gumac iyo rasaas iyo
Xabbad baan u ganayaa.

Geesiga dhulkiisuna
Isagaa ka gaaroo
Gumaysiga ka dhawroo
Isagaa Gammaan iyo
Ku gaardiya Fardaha’oo
Galin dhexe habeenkii
Isagaan gam’aynoo
Gudcurkiyo cadada iyo
Goortii xun dhawree.

Gocorka iyo fulaygiyo
Geddi caadaqaataha
Golahaa xumaantiyo
Gumaysiga la jaalka ah
Heeryada la goobee
Gobolkeena gadayoow
Godka aad qodaysaan
Godobtaad gelaysaan
Gefkaad nagu falaysaan
Idinkoo gumooboo
Gayaankiin ka liitiyo
Farta Goys ku qaba iyo
Gondo raarac mooye
Guul ka gaari maysaan!

Kala gurantay dunidoo
Ninba gaarki socoyoo
Gedduu rabo u jeesaye
Garab guurka jira iyo
Garacnimada yaa dhalay?
Yaa guhaadda wado’oo
Nagu beeray goohaan?.

Anoo gororkii maansada
Daahfurkeeda gabayoo
Ka giigaaya maalmahan
Galayrbaa dig soo yiri
Geeraarna daabacay
Ku gadaamay aayaha
Aniguna gayaankeey
Gaashaanka qaatee
Farriintaa Galayree
Galbeed uu ka keenaan
Aan gorfeeyo xaajada
Geeraarna aan tixo
Suugaan geddeedii
Goolkeedii aan gamo.

London iyo gunteediyo
Gumaysigii horreeyee
Soomaali kala guray
Geddigeedba kala raray
Midba gooni geeyee
Midba geed ku kala xiray
Gacan iyo lixaad iyo
Kala gooyey waligeed
Garbaduubay waa hore
Oo xarig ku giijiyey
Ayaa maanta gool kale
U gurbaan garaacaa
God kalena u qodayoo
Mar kaluu gan surayaa
Waabaayo ganayaa
Sidii galab horreytana
Guumays baa hagaysoo
Gogolxaarna u ahoo
U culaysa Gaawaha.

Gododtuu dorraad falay
Gardaduubkii shalay iyo
Gobol gobolkuu noo jaray
Geesahana naga xiray
Gumaysiga Madaw iyo
Gocarrada Amxaarkiyo
Guduriga iyo Keeniya
Gacantooda geliyee
Xeebaha bar gooyee
Yeman gaarka uga dhigay
Illeen waa geddiisee
Ee galabtana muxuu goyn?.

Haddii Kuraygu uu gabo
Geelba hooto wada noqay
hadduu gaban hagaajiya
Ka gam’aynin uu helo
U guntane diyaar u ah
Gayfane u maqanoo
Inuu Geela jira og
Galbin iyo carraabada
Aan ka gaabin waligiis
Miyuu guudka sare iyo
Ka gudbaaba sheeddaa?!

Meeday guurtideedii
Caqligii ma guurine?
Ma Geedkii xumaantee
Xididkiisu gaamuray
Kala gaabiyey wali
Gogoshuna u taallaa
Guntiisa ku shirayaan?!

Golo haga ma joogoo
Gogol cadow u dhigay iyo
Gaawo uu nin leeyahay
Ayey gacan ka sugayaan!

Good iyo Abaasiyo
Goodaaddo weeyaan
Abras oo galaalane
Guubaabo aan jirin
Geeddi aan dhammaanayn
Gaajo ibaha furateey
Godkeedii qodaayaan
Waxaan uga gol leeyahay
Midda gugan dhacaysee
Loo wada guc leeyahay
Guutooyin badanoo
Gaadh naga hayaa jira
Badda kuwa gadaamee
Samadana Gantaaliyo
Madaafiic ka soo gana
Yaa gardaadinaayoo
Gayaankiisa ay tahay?.

Abwaanoow geddaa hadal
Waa gole inkaaroo
Waa guurti maranoo
Gobonimo aqoonoo
Magac aanba garanayn
Gacalkana dulmaayoo
Iibsaday gun iyo baad
Godimada dhulkeeno
Geyigeenu waa iib
Berri baa la gadayaa
Xornima god bay geli.

Kan gafuurka duubtee
Guudka sarana xiirtee
Gaabsada tafaha’oo
Mooryaan garrayda ah
Gamboolleyda dooxee
Hooyada gablamiyee
Dabar gooya ubadkee
Gabannada shaqaaqiyo
Gardarrada u weecshee
Culimada guhaadshee
Gaalada ku sheegee
Isna looma geli karo
Waa laga gabanayaa!

Gobolliyo isteetyadan
Goos gooskan soo baxay
Dadkii kala go’doonshoo
Midba goof ku xirayee
Innagoo gamaarneey
Niman gibil caddaan iyo
Giddi reer galbeedkiyo
Gorofyadan madoobiba
Inta dunida guudkeed
Soo galay garteenoo
Gabagabada wada’oo
Guluf nagu dhex beero
Geerideena wada’oo
Gumaadkeena wada’oo
Gumaysiga hillaacaan
Gama’ li’ida igu riday
Goobyaalka laylkee
Aaway geesiyaashii
Gobonima u dirirkii
Axmed Guray geddiisii
Galabtaa la joogaa.

Saatani gar maahee
Inta goori goor tahay
Haddaan guudcaddaagiyo
Isu taaginin gabannadu
Soomaali way guban
Goor aan la damin karin
Hadal aanu gaarayn
Geeraar wax qabanayn
Iyo gabayo dhaadheer
Ayaa loo gudbaayaa!

Maanta aan garqaadanno
Gumaysigana diidnoo
Isku duubni gabigeen
Aan wada gabaadinno
Inaan geyiga leennahay.

Inta guusha jeceleey
Ka gadooda dhiillada
Gefka mayska dhaafnaa
Guntigana ma xirannaa?
Dadka kala gurkiisiyo
Goobaynta diidnoo
Umadyahay is garabsada
Isu geeya cududdoo
Geedkii ku laabtoo
Gumaysiga ka dhiidhiya
Geddigii shisheeyaha
Geyigeena joogee
Midba gees ka soo galay
Ka guur aan niraahnoo
Taladana gorfaynoo
Is qabsada gamcaha’oo
Gobonimo u Buun tuma!

Dhamamad.

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com


Ka raadi google

Custom Search