KIBIRKA IYO CAWAAQIB XUMADIISA By: Cabduqadir Xasan Jaamac

Waxaan horta dhanbaal salaam ah usoo marinayaa halkan dhamaan umada reer Somaliland, Aniga oo aan ahayn dadka xiiseeya qoraalka ama dhanbaalada ayaa maanta waxa igu kalifay in aan qalinka u qaato waxa ka taagan dalkeena iyo xukuumadii lasoo doortay oo aad moodo in ay bilawday cabudhin iyo xidhxidhid aan loo meeldayin, iyada oo aynu isla garawsanahay in xadhigu uu ka mid yahay qawaaniinta dawlad laguna kala hago dal si aan laysu dulmin , ayaa hadana waxa ayaan daro noqotay in uu Somaliland ka noqotay mid lagu kala aar goosanayo ama rag dawlada ku wada jiray oo is diiday u ku kala aar goosteen siday ugu kala dhowaayeen madaxweynaha dhegtiisa.
Waxay taasi dib ii xasuusisay awoodii xooga badnayd ee dawladii Siyaad Barre , iyo ragii ka amar taagleynayey sida Morgan, Gaani, Dafle , Buluqbuluq iyo wixii la mid ah, Waxaa maanta Somaliland kasoo baxday BURO taasoo ah in rag kooban ay afduubeen taladii dalka si xuna u adeegsadeen awoodii qaran ee loo sinaa, sidaa daraadeed Waxaa idin xasuusinayaa maansadii uu tiriyey Cabdi Qeys waqtidii Siyaad bare wuxuu abwaanku yidhi.
Macidbaan la dhalin , cidla laga dhex qaadoo dhabar hooyo soo marin
Dhamays baad ku faantaye yaa dhicis ah gabadh yahay
Adoo dhidig ah lab diidaye , bal dhaadoo yaa tahay
Dhixirbaadba sidataaye nin miyaad u dhigan taa
Waa loo dhintaa kibir waana dhib iyo hadime
Haku dhicine soo joog, haku dhimane soo joog
Maansadani runtii la hadli mayso gabadh sida ka muuqata , maadaama waqtigaa qoorta laysu xiirayey Cabdi qeys waxa uu ku gabanayey gabadha , isaga oo la hadlaya raga kibraya, maantani waxa dib u muuqda colaad kibir iyo wanjalaad xanbaarsan oo rag madax ah loo geystay, hadaan ku daadego weli lama arag Badhasaab , A
Agaasime iyo lataliye la katiinadeeyo iyada oo aan xasanadii laga qaadin, ama aan xilwareejin sameyn, Waxaa taa dheer Rumaan mudo dhaafay oo sharci aan ahayn.
Weli way inoo dhinayd in nin dhaqan ah oo lasoo dhoweynayo laga dhex qaato dadkii sugayey, oo la xidho, Waxaa kadaroo dibidhal ah , nin shaqada uga tegey musuqmaasuq uu u adkaysan waayey, in la yidhaahdo dalka kama bixi kartid, caruurta lagu xidhxidhayo Gabilay, weriyaasha si joodto loo xidhayo, dadka lagu bilaabay baro kicin qorshe la,aan, Xildhibaano xabsiga loo taxaabo, waxaas oo dhan waxa ka muuqda kibir, ogow dadka sidaa loodu tacdiyayo waa dadkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo Doortay, isuna dhigi jiray xabada markii u mudaharaadi jiray, ufiirso kii maalintii ay xumayd laabtiisa xabada u quuray waxa weeye ka la katiinadeeyey isaga oo badhasaab ah, arinkani waa arin weyn runtii.
Waxa marlabaad aan jeclahay in sugaanta kibirka lagaga sheekaynayo aynu dib u jaleecno,
Waxaan Xirsi Cali X xassan ku odhan lahaa
Degdeg haad u kacayow
Daruuraha badh baa jira
Dadku aanu dhaafine
Yay ku diline soo noqo.
Waxaa dhacaya waxaan reer Somaliland daah ka saarneyn in adiga iyo qeyrkaa ka ariminayaan, ee waa iga nasteexo Colaad Sokeeye lib malaha ee ka waantow, wallow aanan garaneyn sida aad ragan aad laysay u kala baxaysaan markay xoriyadooda dib u helaan, hadana Caano Daatay dabadood la qabay ee ka waantow hadimooyinka aad Xaaji Axmed Dhabarkiisa kula Dhuumaneysid.
 
By Cabduqadir Xasan Jaamac
Hargeysa . Dulmidiida@hotmail.com
 
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 

Ka raadi google

Custom Search