Dawo Yaanyo laga sameeyey oo beryahan la hadal hayo: Maxaa lagu daweeyaa?
Seynisyahaano ku sameeynayey baaritaaan Yaanyada ayaa soo saaray daawo haddii la qaato maalin kasta wax ka tari karta ama daaweyn karta wadna Xanuunka iyo Saska(Strokes).
Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Yaanyada laga helo maado la yiraahdo Ycopene taas oo ka hortagta ama baabi'isa Xeyrta halbowlayaasha dhiiga qaada ( arteries), xeyrtaas oo halis ku ah socodka ama qulqulka dhiiga ee jirka intiisa kale.
Daawo cusub oo loo bixiyey Ateronon ayaa loo soo bandhigay sida Kaabsol oo kale iyadoo lagu iibin doono dukaamada caadiga ah ee wadanka Ingiriiska iyo wadamada kale, mana loo baahna in uu dhakhtar kuu qoro.
Dhaqqatiirta qaar ayaa sheegay in loo baahan yahay baaritaan dheeraad si loo ogaado faa'iidooyinka ay leedahay daawani. Laakiin, baaritaaano horey loo sameeyey oo gaarayey illaa iyo 12 ayna qeyb ka qaateen illaa iyo 150 qof markiiba kuwaas oo ka koobnaa dad qaba cudurka wadnaha ayaa lagu ogaaday in daawadan la yiraahdo Ateronon ay ka dhigto xeyrta halista ku ah isu socodka dhiiga qofka, mid gaaray Eber(Zero) waxaana sidoo kale la sheegay iney ka fiican yahay daawada haatan loo qoro dadka qaba cudurkan Xeryrta Wadnaha.
Dhakhaatiirta qaar ayaa ku taliyey in dadka cudurkan qabaa iney sii qaataan daawooyinkii ey horey u qaadan jireen taasoo ey ku sheegeen iney tahay wax la hubo waxtarkeeda iyagoo ka digay in lagu deg dego daawadan cusub.
Yaanyada lafteeda haddii uu cuno qofku iyada oo sideeda ah oo aan la karin ayaa la sheegay in laga heli karo maadadan waxtarka leh, waxaana lagu la taliyey dadka iney cunaan Khudrad iyo khudaar ey kamid ah tahay Yaanyadu.
Ka raadi google
