Daawo loo qaadan jiray cayilka ama buurnaanta oo gebi ahaanba la joojiyey: Waa maxay sababtu?

Daawo loo qaadan jiray cayilka ama buurnaanta ayaa gebi ahaanba la joojiyey kadib markii lala xiriiriyey in laga qaado cuduro dhowr ah oo ah kuwa halista ah. Cuduradan ayaa la sheegay iney kamid yihiin kuwa Wadno xanuun(heart attack) iyo saska (strokes) . Daawadan oo lagu magacaabo Reductil ayaa dhammaanba laga joojiyey isticmaalkeeda wadamada Europe iyo Mareykanka.

Baaritaan lagu sameeyo dhibaato la soo deristay dad dhan 10,000 oo qof ayaa la ogaaday iney qaar badan qaadeen cudurka wadna xaruunka (heart attack) iyo Cudurka Saska (Stroke) taas loo aaneeyey in daawadan dhalisay iyadoo ey sheegeen saanisyahanadu in maado kamid ah maadooyinka daawadaasi ey sababtay xanuunkan.

Dadka qaata daaawadan ayaa lagu la taliyey iney dhakhaatiirtooda ka dalbadaan daawo kale oo cayilka la dagaalanta iyadoo la joojiyey daawadan inta shirkada soo saarta ka keeneyso caddeymo tusaya iney daawadan la qaadan karo.

admin@halganka.net


Ka raadi google

Custom Search