Skip navigation.
Hoyga wadaniyiinta Somaliyeed

Caddaay iyo Wacdaraha Ciyaaraha Yurub

Cabdisalam Ibraahim Caddaay waa ciyaaryahan Soomaliyeed oo u ciyaara kooxda kubada cagta Manchester City ee dalka Ingiriiska iyo xulka qaranka dhalinyarada dalka Norwey.  Cabdisalan Caddaay waraysi ayuu siiyaya laanta af-Soomaaliga ee VOA-da.

Cadday oo ah 18-jir  waxa uu ka waramey inuu si niyad ah u jeclaa yaraantiisii kubadda cagta iyo in mar uun uu ka mid noqdo ciyaaryahannada caalamka magaca weyn ku leh ciyaarta kubadda cagta.

Cayaaryahan Caddaay waxuu sheegey in waalidkiis ay gacan weyn ku siiyeen sidii uu u gaari lahaa Riyadiisa aheyd inuu u ciyaaro xulka qaranka Norwey iyo kooxda hada uu ka tirsan yahay ee Manchester City ee dalka Ingiriiska.

Laanta af-Soomaaliga ee VOA waxey kaloo wareysi la yeelatey ciyaaryahan Cabdisalam Caddaay aabahii Cabduqaadir Ibraahim Caddaay oo ka mid ahaa garsoorayaashii  heerka caalami ee kubada cagta Soomaaliya.