Amaal Abdi Ibrahim, waxay u tartameysaa madaxtinimada Soomaaliya, laakiin caqabad ayaa hortaagan. Waa maxay Caqabaddu?
Amaal Cabdi Ibrahim waa gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Finland waxayna ku hamineysaa hanashada hogaanka Soomaaliya, si kursigaas ay ugu fariisatana waxay gudaha iyo dibaddaba ka wadaa olole ballaaran.
Ololaha Amaal ee dibadda waxaa horseed ka ah oo Riikka Kämppi halka kan gudahana ay wadaan dad kala duduwan oo daneynaya in gabadhani ay majaraha u qabato hogaanka Soomaaliya ee ay mudada dheer lixlaha ku heysteen ragu.
Laakiin waxaa mugdi ku jiraa fursadda ay Amaal u heli karto inay u soo istaagto hardanka madaxtinimada Soomaaliya, waayo waxaa haatan gacanta lagu hayaa dastuur qabyo-qoraal ah oo da'da qofka madaxweyne ka noqonaya Soomaaliya ka dhigaya ugu yaraan 40 sano. Amaalse waa 37 jir.
Amaal waxay Soomaaliya ka soo carartay labaatan sano kahor, waxayna heysataa dhalashada dalka Finland, sidoo kale waxay u dhuun-dalooshaa siyaasadda Yurub gaar ahaan Finland.
Si kastoo ay ahaataba waxay Amaal weli sii wadaa ololeheeda siyaasadeed ee ah ku fananeyso buurta qaxarka iyo qorfaha badan ee hogaanka Soomaaliya.
Xigasho: MTV3.fi
Ka raadi google
