Aalad telefonka gacanta ku xiran oo lagu ogaan karo cudurada qaar oo la soo bandhigay (waxaa turjumay D Cali)

Aalad cusub oo loo bixiyey "The CellScope" taasoo u shaqeysa sida aalada Hosbitaalada laga isticmaalo ee loo yaqaano fluorescence microscope ayaa la sheegay in lagu ogaann karo cudurka qofku qabo.
Waxaa rajo laga qabaa in aaladan ey wax weyn ka tari doonto wadamada soo koraya oo aan laga helin qalabka wax lagu baaro laakiin dadka badan kiis heystaan mobile fonka gacanta laga qaato.
Aaladan loogu magac daray The CellScope ayaa waxaa laga sameeyey ama ey ka kooban tahay qalabka sheybaarka lagu sameeyo ee loo yaqaan microscope optics iyo aalado kale oo rakhiis ah oo lagu isku xir xiray.
Bidhaanka loo yaqaan Fluorescence ayaa marka lagu shido xubno jiran ee kamid kuwa banii aadamka ayaa waxey yeelataa midab kale oo ka duwan kan jirka kaas lagu ogaado cudurka qofku qabo (fiiri sawirka)
Bidhaanka Fluorescent loo yaqaan waxaa si weyn loo ogaan karaa cuduro badan sida Jeermis Tiibishada ama TBda kan malaariyada iyo kuwo kale oo farabadan. Sidoo kale seynisyahanada soo bandhigay aaladan ayaa sheegaya in aaladan sidoo kale loo isticmaali karo sida qalabka Sheybaarka loo isticmaalo kaas oo loo yaqaano microscope-ka.
Aalada isbitaalada taala ee lagu baaro jeermiska aan kor ku soo sheegnay ayaa ah kuwa waaweyn oo aad u culus iyadoo qalabkanina yahay mid aad yar oo ku rakiban mobile fon.
"Waxaa jiray dad kale oo ka shaqeynayey aalad tan oo kale ah oo loo isticmaali karo meelaha baadiyaha ah" ayuu yiri David Breslauer oo ah baare u shaqeeya University of California Berkeley kaas oo qoray warbixinta baaritaanka.
" Waxa cusub waxaa weeye inaan ku xirnay aaladan teleefonka gacanta ama mobile foonka halkii aan ka dhigi lahayn mid iskeed u taagan" ayuu raaciyey David Breslaue.
Sheybaar guur guura
Mr Breslaue ayaa sheegay in ku xiritaanka ey ku xireen qalabkan teleefonka gacanta "iney u suurta gelineyso iney ka faaiideystaan awood maskaxda mobile foonka iyo sidoo kale iyadoo si fudud lagu geyn karo meel kasta oo loo baahdo.
Awooda maskaxda mobile foonka ayaa loo isticmaali karaa in sawirka laga qaaday qofka jirran isla mobile phoneka lagu baaro iyadoo la gelinayo sawirka la qaaday isla markaasna si sahal ah lagu ogaan karo inuu qofku qabo cudurka iyo in kale iyadoo mobile foonku sheegayo arrintaasi
"Wadama badan oo soo koraya iyo meelaha fog fog ee duurka ah waxaad u jiri kartaa boqolaal mile hosbitaalada ama ka fog meel leh koronto laakiin waxaa laga isticmaalaa teleefonka gacanta ama mobile foon oo adduunka haatan qabsaday" ayuu raaciyey Mr Breslauer.
"Sidaas darteed haddii aad heysato aalad ku shaqeysa beteri taas oo aad ku qaadi karto sawiro, aad ku baari karto isla markaasna aad ugu diri karto dhaktar waxaad sameysan clinic ama hosbitaal guur guura . Dhakhtarkaada wuxuu arki karaa sheygii la soo qaaday isaga oo aan joogin meeshi lagu qaadayey" ayuu hadalkiisa ku soo geba gebeeyey Mr Breslauer.
Seynisyahanada ayaa haatan ka shaqeynaya sidii aalada looga dhigi lahaa mid ad adag oo diyaar u ah goobaha qaxarka ah ee fog fog iyagoo sheegay in dhowaan la baroobeyn doono.
Waxaa turjumay D N Cali @dnali@hotmail.co.uk
source bbc
Ka raadi google
