May 2008
Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalkii caawa ka dhacay Zone K
Submitted by admin on Sat, 05/31/2008 - 23:50Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaalkii ka dhacay
caawa Salaaddii maqrib kadib qeybo kamid ah Muqdisho.
Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa Korneyl Etoobiyaan ahi amar ku siiyay in uu Beledweyne ka huleelo.
Yuusuf Dabageed oo ahaa gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan beryahaan danbena ku sugnaa xero ku taala Jenta Kundisho oo ay degan yihiin ciidamo Etoobiyaan ah ayaa waxaa maanta Amar lagu siiya
Gudiga Amniga magaalada gaalkacyo ayaa weerarkii shalay lagu qaaday Ayrboorka Gaalkacyo sheegay in ay qaadeen Ciidamo ka tirsan
Gudiga Amniga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii shalay lala beegsaday Gegida Diyaaradaha in ay qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa DFKM ah.
WAR DEG DEG AH: Dagaal culus ayaa iminka ka qarxay agagaarka Zoona Keey ee magaalada Muqdisho.
Dagaal faraha looga gubtay ayaa iminka ka soconaya halka loo yaqaano Soona Keey ee magaaladda muqdisho.
Dagaalkan ayaa waxa uu dhex marayaa sida ay dadka deegaanku ku soo waramayaan Ciidamda Etoobiya ee saldhiga ku leh halkaas iyo ciidamada Dagaalyahaniinta ah ee ka soo hor jeeda Joogitaanka Etoobiya.
Nuur Cadde wafdigii uu hore u qorsheystay oo maanta ka duulay Muqdisho
Submitted by admin on Sat, 05/31/2008 - 12:20Waxaa saakay ka duulay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.
Wafdigan oo ka kooban 21 Ruux ayaa waxey u tegayaan dalka Jabuuti in ay qeyb galaan wadahadalo xal loogu raadinayo Mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya.
Madasha wejigii labaad ee shirka dib u heshiisiinta ayaa lagu wadaa in uu maantay ka furmo Djibuuti.
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Jibuuti ee Jamhuuriyada Jibuuti Shirkii lagu madlanaa in lagu heshiisiiyo DFKM ah iyo Ururka Dib u xoreynta Soomaaliyeed.
Kudhaa ayaa waxaa qabsaday Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah.
Ciidamo aad u hubysan oo ka amr qaata Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen deegaanka loo yaqano Kudhaa ee gobolka Jubada hoose.
Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa ka hadlaya Qasaarihii ka dhashay weerarkii shaly lagu qaaday Ayrboorka Gaalgac
Maamul goboleedka loo yaqaano Puntland ayaa waxa ay faahfaahin ka soo saareen weerarkii Gantaalaha loo adeegsaday ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
UN Security Councilka oo sheegay iney goobjoog ka noqonayaan Shirka Jabuuti
Submitted by admin on Fri, 05/30/2008 - 23:38Saraakiil ka socota 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee QM ayaa sheegay iney ka
qeyb galayaan kulanka lagu wado in maalin ka dib uu ka furmo wadanka
Jabuuti, oo ay isugu imaanayaan ergooyin ka kala socda dowladda KMG ah
iyo mucaaradkeeda.
Saraakiil ka socota UN-ka
ayaa la sheegay in booqashooyin ay ku kala bixin doonaan wadamo Afrikan
ah, si ay ugu kuur galaan xaaladaha wadamadaasi.
Ciidamada maxkamadaha ee la wareegay Leego oo caawa ku hoyanaya halkaa
Submitted by admin on Fri, 05/30/2008 - 22:54Ciidamada Midowga Maxkamadaha oo maanta qabsaday degaanka Leego ayaa haatan halkaa sugan. Ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomalaiyeed
ayaa si xeladeysan oo aan dhiig ku daadan kula wareegay
deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka shabeelada Hoose.
Deegaanka Leega oo ah goobta kaliya
ee leysaga kala goosha Muqdisho iyo Baydhaba ayaa
tani waxey ku keeneysaa cabsi badan iyo kala xirnasho
ku timaado labada deegaan





































